Golaha Wasiirrada Maamulka KMG Jubba oo la dhamaystiran

January 17, 2014 - Written by Editor

6Kismaayo:-Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xarunta madaxtooyadda ee magaalada Kismaayo Madaxweyne ku xigeen kii 2aad  iyo weliba Golahii wasiiradda ee maamulka Jubba, xaflada lagu dhaariyey Golaha wasiirrada ee Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa ka soo qayb galay , masuuliyiin kale duwan oo uu ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad maamulka KMG ee Jubba, Gen. Cabdullaahi Sh.Ismaaciil Fartaag, odayaasha dhaqanka,siyaasiyiin iyo waxgarad kale.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba, Gen.Cabdullaahi Sh.Ismaaciil Fartaag oo ka hadlay goobta ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan labo wasiir oo cusub oo iyagan maanta qayb ka ahaa golaha wasiirrada ee Maamulka Jubba ee la dhaariyey waxaan ay kala yihiin:-

1. Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka oo loo magacaabay Ibraahim Xasan Cabdi.

2. Wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta oo loo magacaabay  Maxamed Cabdi Mohamed (Jowhar).

Madaxweyne ku xigeenka kowaad maamulka Jubba,Gen.Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag  ayaa waxaa uu kula dar daarmay golaha wasiirrada cusub ee maanta la dhaariyey in ay ka soo baxaan xilalka loo igmaday. Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka KMG ee Jubba Suldaan C/qaadir Luga dheere oo goobta lagu dhaariyey ka hadlay ayaa waxaa uu ka codsaday shacabka ku dhaqan Gobollada Jubooyinka iyo Gedo in ay la shaqeeyaan oo ay taageeraan.

Magacaabista golaha wasiirada ee Maamulka Jubba  ayaa ku soo beegmaysa xili xalay uu Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo dhawaan la horgeyn doono golaha Baarlamaanka ee DFS si ay u ansixiyaan.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online