Guddiga gurmadka culimada Puntland oo deeq xoolaha lagu wareejiyey.[Cod/Masawiro]

January 10, 2014 - Written by Editor

11Garoowe:-Guddiga gurmadka culimada Puntland ayaa xoolo  nool oo Ari ah kala wareegay Issimo, Cuqaal ay shacabka Buuhoodle ee degmada Cayn u soo xilsaareen in ay ku wareejiyaan Guddiga gurmadka culimada ee Puntland  si xoolahaas loogu xool gooyo dadkii ku cayroobay roobabkii Dabaylaha watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland.

Guddiga gurmadka Culimada Puntland ayaa xoolaha waxaa si rasmi ugu wareejiyey  Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camey iyadoo goobta xoolaha lagu wareejinayo ay ku sugnaayeen Issimo, Culimo’udiiin, Cuqaal, Nabadoono, iyo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Camey , gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Camey oo goobta ka hadlay ayaa waxaa u mahad celiyey shacabka reer Buuhoodle isagoo ku amaanay gurmadka wax ku oolka ah ee ay ku caawiyeen qoysaskii ku cayroobay roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland.

Sidoo kale Caaqil Maxamuud X Cumar Camey oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in shacabka reer Buuhoodle iyo gobolka Cayn ay u soo gurmadood dadkii walaalahood ahaa ee ceyroobay welina ay ku guda jiraan gurmadkooda.

Gudoomiyaha guddiga gurmadka culimadda Puntland Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa waxaa mahad balaaran u jeediyey shacabka reer Buuhoodle waxaan uu alle uga baryey in uu ka aqblo gurmadka ay walaalahood u fidiyeen isagoo sheegay in xoolah loo qaybin doono qoysaskii xooluhu dhamaadeen ee cayroobay.

no images were found

Gudoomiyaha guddiga gurmadka culimadda Puntland ayaa waxaa lagu wareejiyey xoolo gaaraya ilaa 500 oo neef oo ari ah, culimo’udiinka Puntland iyo Mussa’ssad Alminhaaj ayaa 15 bishaan qaybin doona xoolaha lagu wareejiyey maanta.

Hoos ka Dhagayso Guddiga gurmadka culimada Puntland oo deeq xoolaha ay ku wareejiyeen reer Buuhoodle

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online