Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo xilka la wareegay[Masawiro]
January 13, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire ayaa maanta xilka waxaa uu kala wareegay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Xafladii ay masuuliyiintani xilalka kula kala wareegayeen ayaa waxay ka dhacday magaalada Garoowe waxaa goob joog ka ahaa Madexweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Eng.Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji , qaar ka mid ah Issimada Puntland, xildhibaanada iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire oo ka hadlay munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay inuu rajeynayo in baarlamaanka cusub uu Puntland gaarsiin doono meel ka wanaagsan halka uu soo gaarsiiyey guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
Guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ammaanay xildhibaannadii hore ee baarlamaanka iyo kuwa cusub ee haatan wuxuuna ugu baaqay dhamaan xildhibaanada golaha wakiilada Puntland in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub Saciid Xasan Shire.
no images were found
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa hadal kooban ka jeediyay munaasabada ayaa Xildhibaanada baarlamaanka Puntland waxaa uu ugu baaqay in ay si fiican u gutaan waajibka saaran waxaana uu sheegay in dowladda Puntland waajibaadka sugaya ay qeybta ugu weyn leeyihiin xubnaha golaha wakiilada Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net