Gudiga gurmadka culimada Puntland iyo Mussa’sadda Al-minaaj oo qaybiyey 10.835 neef oo Ari ah.[Cod/masawiro]

January 17, 2014 - Written by Editor

2Garoowe:-Gudiga gurmadka culimada Puntland iyo Mussa’sad Al-minaaj oo is kaashanaya ayaa waxaa maanta  ay soo gabagabeeyeen wajigii labaad ee xoolo goynt loogu samaynayey dadkii ku ceyroobay roobabkii duufaanta watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland, Gudiga gurmadka culimada Puntland iyo Mussa’sad Al-minaaj  oo ayaa waxaa ay qaybiyeen 10.835 neef oo Ari ah waxaan loo qaybiyey qoysas gaaraya ilaa  656 qoys oo iyagu wajigii hore ee xoolo geynta aan waxba la siin.

Wafdi culimo ah oo ay hogaaminayaan Sheekh Daahir  Aw-cabdi iyo Sheekh Axmed Daahir Xassan ayaa ka soo kici timaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, si ay goob joog uga ahaadaan munaasabadii xoolo goynta  waji geedii labaad oo maanta ahayd.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi iyo Sh Axmed Daahir Xassan , Muss’ssadda Minhaaj iyo shacabka reer Boosaaso ayaa qayb lixaad leh ka qaatay gurmadkii ugu horeeyey ee la gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay roobabkii duufaanta watay ee ku dhufay degaano ka tirsan gobolka Bari iyo Nugaal.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi iyo Sheekh Axmed Daahir Xassan , Muss’ssadda Minhaaj ayaa ahaa dadkii ugu horeeyey ee cagta dhigay goobihii ay ku dhufteen roobabkii dabaylaha watay waxaan ay qaylo dhaan u direen shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibada codsigaas oo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u ajiibeen.

Dhinac kale magaalada Garoowe ayaa waxaa ka baxay wafdi kale oo culimo ah oo uu hogaaminayey Sheekh Axmed Cabdisamad, Sh Maxamed xaaji Yuusuf , Sh Cabdiqani Qorane, Sh Maxamuud Ciise iyo culimo kale si ay iyaguna wax uga qaybiyaan xoolaha maanta loo qaybiyey dadkii xooluhu la’aantu ay ku dhacday.

Munaasabada xoolo goynta ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole , Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdi xakiim Camey ,Wasiiro, saraakiil ciidan , Issimo,Cuqaal Nabadoono iyo culimada waaweyn ee Puntland ku nool.

Goobta xoolo goynta ay ka dhacday ayaa waxaa hadal kooban ka soo jeediyey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr cabdiraxmaan Faroole isagoo aad ugu amaanay culimada Puntland iyo Muss’ssada Minhaaj in ay qabteen howl weyn oo dib u dajin loogu samaynayo dadkii reer guuraaga ahaa ee cayrtoobay.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay isku tashtaan isna garab qabtaan  si ay iskugu gargaaraan, Madaxwey nihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas  iyo golahiisa wasiirradu in ay sii wadaan wadashaqynta culimada iyo bulshada kaleba.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas  oo isagana goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo isku gargaara ayna tusaalo weyn u tahay sidda wadajirka ah ee ay ugu soo gurmadeen walaalahood reer Puntland markii ay musiibadu ku dhacday.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas   ayaa waxaa kale oo uu xusay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku tashtaan iyaga oo ay iska  iloobaan Hay’addaha shisheeye oo wixii ay bixiyeen aan la aqoon meel ay mareen.

no images were found

Gudiga gurmadka culimada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha gurmadka Sh Maxamed Xaaji Yuusuf  oo Halgan.net ay kula hadashay khadka teleefanka isagoo ku sugan magaalada Garoowe kana soo laabtay degaanka Qarxis ayaa  u sheegay  in howshii xoolo qaybinta ee maanta ay guul ku soo dhamaatay.

Hoos ka Dhagayso warbixinta xoolaha la qaybiyey maanta Gudoomiyaha gurmadka Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf .
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/a9jkjmbvlp/Sh_Maxamuud.mp3] ama Halkaan ka Dhagayso

Mussa’sadda Al-minaaj
Garoowe, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online