Gudiga gurmadka culimada Puntland oo 10.600 oo neef ka qaybin doono deegaanka Qarxis

January 16, 2014 - Written by Editor

xooloGaroowe:-Gudiga gurmadka culimada Puntland iyo Mussa’sad Al-minaaj ayaa waxaa maanta  waxaa ay xoolo gaaraya ilaa 10.600 u qaybin doonaa dadkii ku ceyroobay roobabki dabaylaha iyo duufaanka watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland.

Gudiga gurmadka culimada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha gurmadka Sh Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Garoowe iyagoo ku sii jeeda Tuulada Qarxis iyo degaanada ku xeeran si ay goob joog uga noqodaan xoolo loo qaybinayo dadkii xooluhu kaga baaba’een duufaantii ku dhuftey Puntland.

Dhinac kale Munaasabada xoolo goynta ah aya waxaa ka soo qayb galaya Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdi raxmaan Faroole , Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeen ka C/xakiim Camay , Issimo,Cuqaal Nabadoono iyo bulshada qaybaheeda kale.

Gudoomiyaha gurmada culimada Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo aan khadka teleefanka kula hadalnay ayaa noo sheegay in ay saaka qaybin doonaa Ari gaaraya ilaa 10.600 oo neef iyagoo u qaybin doono qoysas aad u dhibaatay san.

Wixii ku soo kordha kala socda Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online