Gudoomiyah baarlamaanka Puntland oo uu ku guulaystay Siciid Xassan Shire.[Masawiro]
January 4, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa hadda soo dhamaaday tirinta codadka ay kala haleen labad musharax ee u tartamayey xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kala ahaa, Xildhibaan Cabdi rashiid Maxamed Xirsi, Siciid Xasan Shire iyagoo iskugu soo haray wareegii u danbeeyey oo ahaa mid adag.
Waxaa codka ay u kala haleen Xildhibaan Siciid Xassan Shire oo hellay 40 cod halka Cabdirashiid Maxamed Xirsi uu helay 26 cod waxaan halkaas ay guusha ay ku raacday in uu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire.
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ee cusub Xildhibaan Siciid Xassan Shire ayaa waxaa uu ahaan wasiirkii hore ee xanaanada Xoolaha ee dowladda Puntland waxaan uu ka soo jeedaa Gobolka Sanaag/Haylaan. Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub isagoo xusay in ay ka soo wada shaqeeyeen Puntland waxaan uu sheegay in uu la shaqayn doono.
no images were found
Wareegii labaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu ahaa mid xiiso leh waxaan iskugu soo haray ilaa 3 musharax waxaan ay kala heleen:-
1. Xildhibaan Cabdirashid Maxamad Xirsi 23 cod
2. Xildhibaan Sicid Xassan Shire 23 cod
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) 20 cod
Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu tartamay ilaa 5 musharax oo wareegii labaad kala hellay:-
1. Xildhibaan Cabdirashid Maxamad Xirsi 17 cod Gobolka Mudug
2. Xildhibaan Sicid Xasan Shire 17 cod Gobolka Sanaag/Haylaan
3. Xildhibaan Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) 16 cod Gobolka Sanaag/Haylaan
4. Xildhibaan Maxamad Cali Guled 9 cod Gobolka Sanaag/Haylaan
5. Xildhibaan Axmed Cali Xaashi 6 cod Gobolka Sanaag/Haylaan
M_M_Deeq
Halgan.net