Gudoonka Baarlamaanka oo Muqdisho ku qaabilay Safiirrada UK iyo Sweden.[Masawiro]

January 16, 2014 - Written by Editor

DSCN3095Muqdisho:-Gudoonka Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirrada dowladaha Britain iyo Sweden u fadhiya magaalada Muqdisho ayadoo Gudoonkana uu kala hadlay safiirrada sidii ay dowladahooda kaalin ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha Golaha Shacabka ee sanadkan 2014.

Kulammadan oo ahaa kuwo gaar gaar ah ayaa ka dhacay Xafiisyada cusub ee Gudoonka Baarlamaanka oo ku yaala xarunta Villa Hargeysa waxaana wadajir safiirradan u qaabilay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,kulankii ugu horeeyeyna waxa ay la qaateen Safiirka.

Dowladda Sweden u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Mikael Lindvall ayadoo kulanka labaadna ay Gudoonku la yeesheen Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Neil Wigan.

Gudoomiyaha Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulammadaasi markii ay soo gebageboobeen kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Saakay uu Gudoonka Baarlamaanka qaabilay Safiirrada Dowladdaha Sweden iyo Britain u qaabilsan Soomaaliya.

islamarkaana ay kala hadleen sidii ay dowladahooda kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha Baarlamaanka gaar ahaanna sanadkan 2014 oo ah sanadka howlaha ugu badan laga doonayo iney qabtaan Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhanka kale tilmaamay in ka sokoow howlaha Baarlamaanka ay safiirradan kala hadleen sidii ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen howlaha hormarrada iyo dib u dhiska ah ee ay Shacabka Soomaaliyeed hadda wadaan,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay in Safiirradan ay muujiyeen sida xiligan ay uga duwanyihiin ballan qaadyada caalamka ee Soomaaliya kuwii horey loogu sameyn jirey maadaama ay hadda Dowladda Soomaaliya dejisay qorshayaal cad.

no images were found

Safiirradan ayaanay aheyn Danjirayaashii ugu horeeyey ee dalalka Caalamkau fadhiya magaalada Muqdisho ee Gudoonka Baarlamaanka uu qaabillo balse Danjireyaashan waxa ay noqonayaan safiirradii ugu horeeyey ee ay Gudoonka Baarlamaanka ku qaabilaan xafiisyada Gudoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka ee ku yaala xarunta Villa Hargeysa oo dhowaan Xarigga laga jaray.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online