Hay’adda wanaag-farista iyo xumo reebista oo shaqooyin dacwadeed si dar-dar leh uga wadda magaalada Laascaanood.

January 24, 2014 - Written by Editor

IMG_1053Laascaanood:-Hay’adda wanaag-farista iyo xumo reebista ayaa si dar-dar leh shaqooyin dacwadeed oo balaadhan uga wadda guud ahaanba Gobolka Sool gaar ahaana magaalada lascanod. Hay’adda oo muddo kooban ka jirtey magaalada ayaa wadda shaqooyin dacwadeed oo ay ka mid yihiin : jeedinta muxaadarooyin lagu dawaynayo waxyaabaha xun-xun ee bulshada haysta sida: maandooriyaasha oo uu ugu horeeyo qaadku,heesaha,sinada,salaad la’aanta,risiqa xaraanta ah IWM.

Sidoo kale waxay hay’addu wadaa dadaalo ay ka mid yihiin ka qaybqaadashada heshiisiinta beelaha,iyadoo ay ugu dambaysay heshiisiin laba beelood oo walaalo ah taas oo ka dhacday deegaanka Oog oo ay ka qaybgaleen culimo ay ka mid yihiin Sh.Axmed Maxamed Sulaymaan Sh.Aadan Weli Cabdi Xuseen , Sh.Maxamuud Salaad, Sheekh Yuusuf Haybe Ibraahim, Sheekh. Cali Dheere iyo Sh Siciid Muuse X Nuur.

no images were found

Ugu dambayn Guddiga hay’adda wanaag-farista iyo xumo reebista Gobolka Sool waxay ka codsanayaan bulshada ku dhaqan gobolka inay la shaqeeyaan hay’adda isla markaana ay garab istaagaan shacab iyo maamulba.

Hay’adda wanaag-farista iyo xumo reebista
Halgan.net
, Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online