Hoolka xarunta Baarlamaanka Puntland oo lagu sii qulqulayo

January 8, 2014 - Written by Editor

golahaGaroowe:- Waxaa ku sii qulqulay hoolka xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe Xildhibaano, musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynanimada Puntland iyo madax weyne ku xigeenka ,  Issimo, Cuqaal iyo Wufuud ka socota Midowga Yurub iyo IGAD oo shalay soo gaaray Garoowe si ay goob joog uga noqdaan qaabka ay u dhacayso doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyna ku xigeenka Puntland.

Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray  Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi , siyaasiyiin xilal horay uga soo qabtay Puntland si ay goob joog uga noqdaan qaab ay u dhacayso doorashadu.

Jawiga magaalada Garoowe ayaa saaka ah mid aad u degan waxaan dhamaan xiran isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha waxaan goobaha muhiimka ah ku sugan ciidamada daraawiishata ee Puntland oo iyagu sugan amaanka guud magaaada gudaheeda iyo weliba goobaha aadka ugu dhow xarunta baarlamaanka Puntland  oo ay ka dhacayso doorashadu.

Ciidamada daraawiishta ee Puntlland ayaa waxaa ay musharaxiinta iyo Xildhbaanada Puntland ay ka soo reebeen dhamaan gaadiidkii ay wateen iyadoo gadiidkooda loo asteeyey goobo cayima, Shacabka magaalada Garoowe ayaa laga mamnuucay in ay yimaadaan goobaha ay ku sugan yihiin masuuliyiinta iyo xarunta baarlamaanka Puntland marka laga reebo saxaafada sida gaarka loogu casumay in ay tabiyaan qaabka ay u socoto doorashada.

Dhinac kale Musharaxiinta Puntland ayaa dhamaan goobo cayimana looga reebay ilaaladii khaaska ahayad ee la socotay iyo weliba gaadiidkii ay wateen waxaan amaankooda la wareegay ciidanka daraawiishta Puntland oo iyagu si gaar ah loogu xil saaray in ay sugaan aaanka Murashaxiinta iyo wufuud ka socota beesha caalamka ee hadda ku sugan Garoowe.

Ilaa hadda lama saadaalin karo qofka ku guulaysanaya xilka madaxweynanimada Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka walow ay jiraan musharaxiin qaar oo loolan adag ugu jira in xilka ay kala wareegaan madaxweynaha xilkiisa uu dhamaaday ee dowladda Puntland Dr .C/raxmaan Faroole.

Wafdi ka socda beesha caalamka oo galabta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kulan gaar ah la yeesheen  Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cade Muuse , wafdiga kulanka la yeeshay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse ayaa waxaa ka mid ahaa  Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michael Cevone.

Musharaxiinta u tartamay xilka madaxweynanimada Puntland ayaa waxaa ay kala yihiin:-
1.Dr.Cali Xaaji Warsame
2.Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
3.Cali Cabdiqaadir Yuusuf
4.Cabdiwali Maxamuud Guray
5.Shire Xaaji Faarax
6.Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
7.Gen.Cabdilaahi Siciid Samater
8.Maxamed Cabdinuur Xirsi
9.Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey.
10.Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole
11.Cali Cabdi Awaare

Liiska Musharaxiinta u taagan xilka Madaxwayne ku xigeenka Puntland:-

1.Axmed Cilmi Cismaan Garaash
2.Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar
3.Xusen Xaashi Xasan
4.Gen.Cabdisamad Cali Shire
5.Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade
6.Daahir Xaaji Khaliif Maxamed
7.Cabdirisaaq Maxamed Cumatr
8.Maxamed Xirsi Ducaale
9.Maxamuud Caydiid Dirir
10.Cabdilaahi Daahir Maxamuud

Kala soco Halgan.net  wararka ku saabsan  doorashada ka socota saaka magaalada Garoowe

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online