Wufuud ka socda beesha caalamka oo galabta gaaray magaalada Garoowe

January 7, 2014 - Written by Editor

GarooweGaroowe:-Waxaa galabta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wufuud ka kala socoda beesha caalamka gaar ahaan safiirka Midowga Yurub u qaabilsan dalka Soomaaliya Michael Cevone , iyo ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Wufuud ka socda beesha caalamka ayaa waxaa ay kulamo la yeesheen madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa iyo weliba musharaxiinta waxaan kulamadaan ay ka kala dhaceen xarunta madaxtooyda Puntland iyo xarunta PDRC ee Garoowe.

Wafdiga beesha caalamka ayaa kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole iyo ku xigeenkiisa waxaa ay kala hadleen doorashada beri ka dhacaysa Garoowe iyo in ay ku dhacdo si nabadgelyo ah iyagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay goob joog ka ahaadaan tartanka madaxweynanimada ee Puntland.

Dhinac kale wararka caawa ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in kulamo gooni gooni ah ay u socdaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee Puntland waxaana uu kulanka ka dhacay xarunta PDRC ee Garoowe.

Kulanka caawa ka dhacay xarunta PDRC ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key oo ay weheliyeen xubno ka socday Midowga.

Kulanka u dhexeeya Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key oo ay weheliyeen xubno ka socday Midowga Yurub iyo musharaxiinta Puntland ayaa waxaa looga hadlay laba arimood oo kala ah in doorashadu u dhacdo si nadiif ah iyo in musharaxiinta ay aqbalaan oo ay taageeraan cid walba oo ku guuleysata xilka madaxweynanimada Puntland.

Doorashada Puntland oo dhacaysa birito ayaa waxaa goobjoog ka ahaan doona wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub kuwaas galabta soo gaaray magaalada Garoowe waxayna kulamo kala duwan ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Musharaxiinta birito ku hardami doona talada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online