Machadka Al-Furqaan ee Buuhoodle oo soo gabagabeeyey Imtixaankii Teeramka.[Masawiro]
January 14, 2014 - Written by EditorBuuhoodle:-Macadka Al-Furqaan ee barashada culuumta shareecada islaamka iyo luuqada Carabiga ee magaalada Buuhoodle ee xaruntani gobolka Cayn ayaa waxaa maanta ay si rasmi ah u soo gabagabeeyeen Imtixaankii Teerama ahaa.
Imtixaanka ayaa waxaa ka qayb galay arday gaaraysa ilaa 202 Arday o wax ka dhigta dugsiga sare ee Al-furqaan ee magaalafa Buuhoodle waxaan imitxaanka uu socday ilaa mudo 7 cisho ah. Ugu horayn Waxaa hadal kooban jeediyey Maamule ku xigeenka Macadka sare ee Al-Furqaan ee Magaalada Buuhoodle Sh.Axmed Maxamed Samatar isagoo ka warbixiyey sidda wanaagsan ee uu ku soo gabagaboobay Imtixaankii Teeramka oo ahaa jawi farxadeeed.
Waxaa kale oo uu Maamule ku xigeenka Macadka sare ee Al-Furqaan ee Magaalada Buuhoodle Sh.Axmed Maxamed Samatar ka warbixiyey sida uu u shaqeeyo machadka iyo qaybaha uu ka kooban yahay isagoo xusay in Machadka Al- furqaan uu hoos tago Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda ee magaalada Boosaaso.
no images were found
Waxaa kale oo uu machadku leeyahay macaahid faro badan oo Hoose/Dhexe ah oo raacsan Machadka Al-furqaan Buuhoodle shahaadadana ka qaata isaga. Dhinaca kale ardayda wax ka barta Macadka alfurqaan Buuhoodle ee uu u soo gaba gaboobey maanta imtixaankan teeramku ayaa dhinacooda sheegay in ay ku farxsanyihiin Imtixaankan u soo gab gaboobay una mahadceliyey macalimiinta wax soo baray iyo maamulka Machadka Al-Furqaan.
Halgan.net
Buuhoodle