Madaxda Sare ee DFS oo ka qeybgalay Casho Sharaf uu G/ Baarlamaanka u sameeyey

January 23, 2014 - Written by Editor

IMG_9772Munaasabad casho sharaf ah oo qeyb ka aheyd xeritaanka Kalfadhiga 3aad ee Golaha Shacabka ayaa xalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u sameeyey XIldhibaannada Golaha Shacabka ayadoo munaasabaddana ay kasoo qeybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka,Inta badan Xubnaha Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno,Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood, howlwadeennada Golaha Shacabka iyo marti sharaf kale.

Bilowgii Munaasabadda waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka u fasaxay dhammaanba madaxdii ka qeybgashay iney si toos ah usoo bandhigi karaan dhaliillaha jira si wax looga qabto waxaana furitaankii ka hadlay goobta Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu ka sheekeeyey marxaladihii lasoo maray Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka waxaana ay Xildhibaannadu uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka casho sharafta uu u sameeyey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow iyo Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaguna khudbaddo kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa
u mahad celiyey XIldhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka waxaana ay ku booriyeen xildhibaannada iney joogteeyaan la xisaabtanka Xukuumadda.

no images were found

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa mahad celin iyo hambalyeyn uu Baarlamaanka ugu jeediyey qaabkii ay waajibaadkooda u guteen waxa uu sidoo kale ka hadlay tallooyin ay Xildhibaannadu soo jeediyeen uu u badnaa qorshaha Golaha Wasiirrada waxaana uu Ra’isulwasaaraha ballan qaaday in xubnaha Golaha Wasiirrada xafiisyadooda iyo deegaannadooda Caasimadda oo idil lagu baahin doono oo aysan degmooyin gaar ah ku shaqeyn doonin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid Ilkaxanaf oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey dhankiisa Munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu riyaaqay sida tooska ah ee ay Xildhibaannadu u kaftamayeen islamarkaana
isugu soo bandhigayeen dhaliillaha jira waxaana uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare guubaabiyey hirgelinta isla xisaabtanka ee ay ballan qaadeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo munaasabadda soo xiray ayaa u mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu Gudoomiyaha Xildhibaannada u rajeeyey mudada fasaxa ah ee ay heystaan iney si dhab ah usoo ogaadaan baahida ay qabaan shacabka ay metelaan ee ku dhaqan gobollada iyo
degmooyinka Dalka.

Munaasabadda oo kusoo idlaatay jawi farxad iyo isku hambalyeyn ah ayaa waxaa intii ay socotay suugaan wadani ah iyo Majaajilooyin ka qosliyey dhammaanba ka qeybgalayaasha kusoo bandhigay fanaaniinta hobollada Qaranka ee Waaberi.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online