Madaxii Hay’adda NRO oo caawa dhagarqabayaal ay ku dileen Gaalkacyo

January 25, 2014 - Written by Editor

diGaalkacyo:-Allaha u naxaristee waxaa caawa lagu dilay magaalada Gaalakcayo ee xarunta gobolka Mudug Madaxii Hay’adda NRO Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere), oo ay dileen koox hubaysan xili uu ku sugnaa Xaafadda Garsoor gaar ahaan inta u dhexeysa Hotel Cagaar wayne & Warshad Galay.

Allaha u naraxiistee Marxuun Cabdi Maxamed aayaa waxaa uuu madax ka ahaa hay’adda NRO oo ahayd hay’adda Maxali ah oo ka shaqaysa arrimaha waxbarshada iyo daryeelka dadka. Marxuun Cabdi Maxamed Aadan  ayaa waxa hanjabaadyo kale duwan oo dhinac Taleefanka ah ay uga yimaadeen kooxaha dila haldoorka magaalada Gaalakacyo iyagoo ugu goodiyey dhowr jeer in ay dilayaan balse marxuunku isagu wuxuu ahaa shaqsi caadi ah oo hal abuur badan kana shaqaysta hay’addiisa isagoo arrimo muhiim ah ka fuliyey inta u dhexeysa degmada Jariiban iyo Galdogob.

Kooxda dilka u geystay Allaha u naxariistee marxuun Cabdi Maxamed Aadan ayaa waxaa ay ka koobnaayeen ilaa 5 ruux o ku hubaysan iyagoo markii ay dilka u geysteen marxuunka goobta ka baxsadeen. Dilka caawa loogu geystay magaalada Gaalkacyo Madaxii Hay’adda NRO marxuun Cabdi Maxamed Aadan.(Cabdi dheere),ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili saaka Wasiirka amniga ee Puntland iyo Saraakiisha ciidanka daraawiishata ee Puntland ay warbaahinta u sheegeen in ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidanka Al-shabaab ka samaysteen Buuraha Golis.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha ciidanka amniga ee magaalada Gaalkacyo oo ku saabsan dilka marxuun Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere)iyo cid sheegtay falkaan foosha xun.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online