Madaxwaynaha Puntland oo la kulmay Golaha Wakiilada Puntland (Daawo)

January 27, 2014 - Written by Editor

127Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qado sharaf ku casumay mudanayaasha Baarlmanka Puntland.Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar ayaa wehelinayay, waxana Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire uu ku soo dhoweeyay madaxweynaha golaha, isagoona uga mahadceshay qado sharfeedka uu qabtay.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn ka raaligeliyay mudanayaasha Baralamanka khaladad yar oo dhacay xiligii Xaflada Calemasaarku ay socotay 24-kii bishan Jan, waxana uu ka hor jeedshay golaha khudbad kooban oo uu uga hadlay ajandaha siyaasadeed ee xukuumadda uu soo dhisayo.

Shir wadatashi ah ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay in la qaban doono 100-ka maalmood ee ugu horeeya kaasi oo ah mid dib u heshiisiin oo beelaha Puntland danta guud uga hadli doonaan. Dib u habaynta dhaqaalaha Puntland ayuu sidoo kale Prof. Cabdiweli Gaas sheegay in ugu horeyso meelaha ay bartilmaamsan doonaan qorshe hawleedka xukuumadda uu soo dhisayo.

Amniga iyo xasiloonida Puntland ayaa madaxweynuhu xusay in lagama maarmaan tahay adkeyntoodu, iyadoona tababar iyo tayayn loo samayn doono laamaha kala duwan ee amaanka ku hawlan.

‘’Amaankeenu waa suganyahay, Puntland waa ay fiicantahay balse waxa loo baahanyahay inaan sii adkeyno si markaasi horumarka kale aanu rabno uu noogu hirgalo’’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hoos ka Daawo Kulankii Madaxweynaha Puntland iyo golaha Wakiilada Puntland

Xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynuhu maalmaha inagu soo aadan ayuu ku tilmaamay mid lagu saleynayo baahida Puntland iyo sidii loo heli lahaa xukuumad ku shaqeysa himilooyinka Puntland.

Mudanayaasha ayaa su’aalo dhowr ah waydiiyay Madaxweynaha Khubdadiisa ka dib kuwaasi oo ku aadanaa qaabka ay u hawlgaleyso xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynuhu.

Halgan.net/Somalireal
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online