Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo furay Dhismaha Villa Hargeysa

January 9, 2014 - Written by Editor

IMG_8462Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Dhismaha Villa Hargeysa oo ah xafiisyada ay ku shaqeynayaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada
ah ee Golaha Shacabka ayadoo dhanka kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka uu xarigga ka jaray Masjid weyn oo dhismihiisa isla xaruntaasi laga hirgeliyey.

Munaasabadda lagu furayey xarunta Villa Hargeysa oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed,Xildhibaannada Baarlamaanka intooda badan, Sii hayeyaasha Golaha Wasiirrada qaarkood,safiirrada dalalka
Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo ka socotay dalalka iyo Hay’adaha taageera Soomaaliya waxaana Madaxweynaha uu kormeeray dhammanba xafiisyada xaruntani.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka jeediyey furitaanka Munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta si rasmi ah loo furo xafiisyo ay ku shaqeeyaan
Gudoonka iyo Guddiyada Baarlamaanka waxaana uu tilmaamay in talaabada tan ku xigta ay noqon doonto in la hirgeliyo dhismaha Xarunta Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed si Baarlamaanka soo socda ee bedeli doona Golaha Shacabka hada jiro uu u helo xarun uu ku shaqeeyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn u mahad celiyey boqortooyada Norway oo iyadu hirgelisay dhismaha Xafiisyadan
iyo hay’adda QM u qaabilsan hormarinta ee UNDP oo iyaduna qalabeysay xafiisyada Villa Hargeysa,sidoo kalena waxa uu xusay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iney jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo iyagu hirgelinta dhismahan gacan ka geystay kuwaasi oo ay ugu horeyso Rugta Ganacsiga Soomaaliya,kaalmada iyo ballan qaadyada ay dalalka caalamka u sameeyaan Soomaaliya ayuu ku booriyey iney ka dhabeeyaan ballan qaadkooda waxaana uu mahad celin kal iyo laab ah u jeediyey Jaalleyaasha iyo howlwadeennada Golaha Shacabka .

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbaddiisa kusoo hadal qaaday marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo waxaana uu xusay in dhowaan ay Baarlamaanku ansixiyeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda islamarkaana la dhowrayo hada ansixinta iyo dhaarinta Golaha Wasiirrada cusub,lagana doonayo in laga wada shaqeeyo sidii dalkan lagu gaarsiinlahaa sanadka 2016 marxalad ay dadweynuhu wax ku dooran karaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu xusay in tallaabadan lagu hirgeliyey dhismaha xafiisyadaGudoonka iyo Gudiyada Baarlamaanka ay tahay mid fududeyneysa shaqooyinka la doonayo in la qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo gaar ahaanna magacaabista Golaha Wasiirrada oo ah mid si aad ah ay u dhoorayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka isagoo uga mahad celiyey dulqaadka ay muujiyeen waxaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda xusay in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda uu arintaasi dadaal dheer ku bixiyey islamarkaana dhowaan ay soo gebageboobi doonto,Baarlamaankana uu ka rajeynayo inuu fududeyn doono.

Markii ay munaasabadaasi soo gebagebowday kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu xarigga ka jaray Masjid weyn oo dhismihiisa laga hirgeliyey xarunta Villa Hargeysa
ayadoo talaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyadda hormarineed ee uu Gudoonka Baarlamaanka u dejiyey howlaha Golaha Shacabka.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online