Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo gaaray Addis Ababa
January 29, 2014 - Written by EditorAddis Ababa:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana Madaxweynaha ku sii sogootiiyey garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde madaxda sare ee DFS.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan shir-madaxeedka Midowga Afrika oo maalinta berito ah ka furmi doona magaalada
Addis Ababa.ee xarunta dalka Itoobiya.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha DFS ayaa markii uu gaaray magaalada Addis Ababa.ee xarunta dalka Itoobiya waxaa ku soo dhaweeyey madax ka tirsan dowlada Itoobiya .Shirka ka furmaya Addis Ababa ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa howlgalada ay ciidanka AMISOM ka wadaan Soomaaliya .
Kulanka ay isigu imaanayaan madaxada Midowga Afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu lafo guri doonaa horumarinta dhaqaalaha,Federaalka ,iyo dowlad wanaaga .Shirkan ayaa ku soo aaday xili ay ciidanka Itoobiya si rasmi ah ugu biireen howlgalada ciidamada AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net