Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo wareysi siiyey VOA kana hadlay arrimo badan (Dhageyso)
January 25, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay baraaminja martida Makarafoonka ee Idaacadda VOA qeybteeda Afka Soomaaliga waxaana uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka hadlay arrimo kala duwan.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey ciidamada Itoobiya ee ku biiray ciidanka AMISOM wuxuuna qiray in ciidanka Itoobiya ay horey ugu sugnaayeen Soomaaliya balse ay haatan si sharci ah ugu biireen ciidamada AMISOM.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo ka hadlay khilaafkii isaga iyo Ra’iisulwasaare Saacid dhexmaray iyo sida uu baarlamaanka u maareeyey.Madaxweynaha DFS Soomaaliya ayaa sheegay in uusan waligiis wax Urur ah uusan ka mid noqon wax la faafiyey oo ah in u Damujadiid ka yahay ay tahay mid been ah.
Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale ka hadlay xarika Sh.Xassan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sare ee Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in Sheekh Xasan uusan wili ka tanaasulin Fikirkii uu qabay ayna wili baaritaano ku socdaan.
Hoos Ka Dhageyso Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Martida Makarafoonka (VOA)
A/Cawale
Halgan.net