Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la dhaariyey
January 8, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka cusub C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa lagu dhaariyay xarunta golaha wakiilada Puntland. Madax weynaha cusub ee dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madax weyne ku xigeenka cusub C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey ) ayaa waxaa dhaariyey gudoomiyaha Maxkamada sare ee Puntland waxaan dhaarta ka dib ay sheegeen in xilalka loo doortay ay si xilkasnimo ah ay u gudan doonaan.
Madaxweynaha Puntland cusub ee Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa cod dhan 33 cod uga guulaystay madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyadoo wareega saddexaad lagu kala adkaaday cod hal dheeri ah.
Dhinac kale Madaxweyne ku xigeenka cusub C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa isagan waxaa uu wareega saddexaad kula tartamay murashax C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) isagoo uga adkaaday cod dhan 48 cod halka murashax C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cadde uu helay cod dhan 16 cod oo kaliya.
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madax weyne ku xigeenka cusub C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxaa ay hogaamin doonaa Puntland 5-ta sanno ee soo socota iyadoo la filayo in ay soo dhisaan golaha xukuumad Puntland iyo Hay’addaha Garsoorka oo ay ugu horayso Maxkamadii sare ee Puntland.
Waxaa xusid mudan in madaxweynihii hore ee Puntland, Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore Gen. C/samad Cali Shire ay sheegeen in ay aqbaleen in looga guulaystay doorashada ayna balan qaadayaan in ay la shaqayn doonaa Madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Doorashada ka dhacday maanta magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ku dhacday si nabad gelyo ah waxaan qaabka ay u dhacday doorashada goob joog ka ahaa wufuud ka socota Midow Yurub iyo IGAD.
M_M_Deeq
Halgan.net