Madaxweynaha KMG ee Juba oo ambabaxay magaalada Garoowe
January 23, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan iyo wafdi uu horkacayo ay saaka u ambabaxeen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland xalkaas oo ay ka dhaceyso xaflad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 24-1-2014.
Madaxweynaha Maamulka Juba ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiiro iyo Wax garad ka soo jeeda gobalada Jubooyinka waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku sii sogootiyey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG ee Juba Jen fartaag iyo madax kale .
Madaxweynaha KMG ee Juba Axmed Madoobe ayaa inta uusan ka dhoofin garoonka Diyaaradaha waxaa uu dadweynaha Jubooyinka kula dardaarmay midnimo iyo in cadowgooda ay meel uga soo wada jeestaan.
Cabdi Yare
Kismaayo