Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaadan doona Golahiisa wasiiradda cusub
January 29, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka la filayaa in kulan gaar ah uu la yeesho golahiisa wasiiradda ee cusub, Madaxweynaha Puntland iyo golahiisa wasiiradda ayaa kulankoodu waxaa uu noqon doonaa midkii ugu horeeyey oo ay isku baran doonaa kana wada hadli doonaa howsha laga doonayo wasiiradda cusub.
Kulanka u dhexeeya Madaxweynaha Punland Dr.Cabdiweli Gaas iyo Golahiisa wasiiradda ayaa waxaa uu ka dhici doonaa xarunta madaxooyadda ee Garoowe. Qaar ka mid ah wasiiradda la magacaabay ayaa ku sugnayan magaalada Garoowe waxaan la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay yimaadaan Puntland.
Golaha wasiiradda cusub oo ka kooban wasiiro , wasiir ku xigeeno iyo wasiirudowlayaal ayaa shalay la magacaabay waxaan ay ka kooban yihiin ilaa 47 xubnood. Dadweynaha ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa waxaa ay filayeen in golaha wasiiradda cusub ee uu soo magacaabi doono madaxweynaha cusub ee Punland Dr. Cabdiweli Gaas in ay noqon doonaa kuwo tiro yar.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Halgan.net