Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Nicholas Kay

January 9, 2014 - Written by Editor

Gaas+KeyGaroowe:-Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa waxaa uu maanta kulan kula qaatay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah Isimada Puntland

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa waxaa looga hadlay wada shaqaynta dhexmari doonta Madaxweynaha Cusub ee Puntland iyo xukuumadiisa iyo QM waxaana kulanka sidoo kale goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa kulanka ka sheegay in uu aad maqsuud ugu yahay qaabka shalay ay doorashada Puntland u dhacaday iyo dowarka ay isimada ka soo qaateen soo xulida xubnaha golaha wakiilada ee Puntland.

isimadaErgayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nick Kay ayaa sidoo kale amaan u soo jeediyey shacabka Puntland iyo ciidamada amaanka sida ay u soo dhaweeyeen wafdiga QM una sugeen amaanka intii ay socotay doorashada Puntland.

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen qaabkii ay kalsooni u dhexmari lahayd DFS iyo Puntland oo ay wada shaqeyntooda uu ku jiray hakad.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online