Madaxweynaha Puntland oo la filayo in uu ku dhawaaqo Golahiisa wasiiradda
January 28, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golahiisa wasiirada ka dib wada tashi fara badan oo uu la sameeyey qaybaha kale duwan ee bulshada.
Wararka soo gaaraya warqabadka Halgan.net ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali uu soo gabagabeeyey wadatashigii uu la samaynayey waxgadarka iyo siyaasiyiinta lana filo in ilaa caawa ama beri uu ku dhawaaqo golahiisa wasiiiradda ee cusub.
Golaha wasiiradda cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka dhex muuqan doonaa qaar ka mid ah raggii isku soo taagay xilka madaxweynanimada ee Puntland iyo weliba qaar ka mid ah wasiiradii hore ee dowladdii Puntland ee madaxweynaha uu ka ahaa Dr Cabdi raxmaan Farole.
Dhinac kale wararka la isla dhexmarayo ayaa waxaa ay sheegayaan in golaha wasiiradda cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali ay ilaa lab wasiir heli doonaan haweenka.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Halgan.net