Madaxweynayaashii hore ee Puntland oo khudbad ka jeediyey Xarunta PDRC.[Dhagayso]

January 24, 2014 - Written by Editor

12Garoowe:-Madaxweynihi hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi oo hadal kooban ka jeediyey Xaflada caleemasaarka ee madaxda cusub ee Puntland oo ka socota xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC  ayaa waxaa uu ka waramaya xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaalya iyo Puntland iyo codsi uu u soo jeediyey madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynihi hore ee Puntlaand Gen Cadde Muuse Xirsi Boqor  ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka soomaaliya in ay xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Puntland maadaam shacabka reer Puntland iyo madaxdooduba ay yihiin dad jecel midnimada Soomaaliya.

Madaxweynihi hore ee Puntlaand Gen Cadde Muuse Xirsi Boqor ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay isku dayeen in is hortaag ku sameeyaan baaristii dhinac shidaalka ee laga waday Puntland arrin kaas oo uu ku sheegay mid aan wanaagsanayn.

Dhinac kale Madaxweynihi hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Puntland in uu soo xulo gole wasiiro oo tayo leh kana bixi kara  howlaha adag ee horyaal Puntland  si looga fogaado caqabado ku imaan kara hanaanka dowladdnimo ee Puntland.

15Waxaa sidoo kale oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xarunta hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole isagoo ku dheeraaday amaan uu u soo jeediyey dhamaan laamaha amaanka ee ciidanka  Puntland  sidda wanaagsan ee ay u adkeeyeen nabadgelayada guud ee Puntland gaar ahaan caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole  ayaa xusay in Puntland ay tahay dhul ay degan yihiin dad jecel nabadgelyada iyo horumarka , isagoo sheegay in Puntland ay hadda ku nool yihiin Soomaali oo dhan.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay horseed u ahayd in dalka uu noqdo Federaal laguna hishiiyey wax aan ahayna Federaalna aan aqbali doonin.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku dheeraaday in ay dhiseen ciidan  suga amaanka Puntland haddana ay Puntlad tahay dowadda laga yaqaan caalamka  isku filan uuna ka sii shaqayn doono wixii horumar  ah.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uu rajaynayo in cimrigiisa uu gaarsiiyo Soomaali oo midaysan kuna hishiisay nidaamka Federalka ah agunna dhaqamo Dastuurka Federaalka ah ee   loo sameeyey dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay ciidanka amniga ee Putland in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee Puntland Prof.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng. C/xakiim Camey.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu ka codsaday madaxda cusub ee Puntland in ay noqdaan hogaan wanaagsan oo dalka ku hogaamiya siddii dowladdii ka horaysay ama ka fiican dadkana isku wada

Hoos ka Dhagayso khudbadii Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ka jeediyey xarunta PDRC

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/azw5fdac59/faroolecaleemosaar.mp3] Halkaan ka Dhagayso

Hoos ka Dhagayso khudbadii Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse ka jeediyey xarunta PDRC

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/x37ncruu7w/caddecaleemosaar.mp3] Halkaan ka Dhagayso

Khudbadaha madaxda kale duwan ay jeediyeen ayaan idiin soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online