Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaaray Kismaayo

January 20, 2014 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubad Hoose wufuud ka socda beesha caalamka gaar ahaan IGAD ,Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan qaramada Midoobay danjire Nicholas Kay , Ergayga gaarka ah ee ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya danjire Maxamed Cabdi Affey, guddoomiyaha Midowga Africa Danjire Mahamet Saleh Annadif, Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu hogaaminayo Col. Gabre iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey  Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee maamulka Jubba Gen.Cabdulaahi Sh.Ismaacil Fartaag iyo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubba Gen.Darwiish.

Wafdiga saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa kale oo ka mid ah wafdi balaaran oo iskugu jira Issimo iyo wasiiro oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowladda  Puntland  Cabdixakiin Camay.

Dhinac dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka yimid Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka oo uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka DFS Jeelaani Nuur Iikar.

Maalintii shalay ayaa sidoo kale  waxaa magaalada Kismaayo  gaaray wafdi iskugu jira ganacsato iyo  Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo lagu soo dhaweeyey Kismaayo

Xaflada caleema saarka  ee Madaxweynaha maamulka Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo ku xigeenadiisa ayaa hadda si rasmi ah uga bilaabatay  gudaha xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo iyadoo amaanka guud ee magaalada ay aad u adkeeyeen ciidanka maamulka KMG Jubba iyo ciidanka AMISOM ee ka socda dowladda Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online