Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse.[Masawiro]

January 4, 2014 - Written by Editor

DSC_0536Garoowe:-Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa maanta xarunta Ololaha Doorashadiisa ee  Garoowe  ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Gen, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), oo Booqasho ugu yimid. Musharax Maxamed Cabdinuur iyo Kooxdiisa Olollaha Doorashada ayaa si diiran yu soo dhaweeyay Gen Cadde Muuse Xirsi, Waxayna Labada Masuul wada yeesheen Kulan Muddo Saacad ah socday oo ka dhacay Xafiiska Musharax Maxamed Cabdinuur.

Musharax Maxamed Cabdinuur oo ka hadlay ujeedada Kulanka uu la yeeshay Gen Cadde Muuse xirsi ayaa sheegay inay ka wada hadleen Doorashadda Madaxtinimo ee Puntland ee 8 January 2014 iyo in Doorashadu ku dhacdo si Nabad ah.

“ Madaxweynihii hore Cadde, maanta ayuu booqasho noogu yimid, Waxaanu ka wada hadalnay Doorashadda Madaxtinimo ee Puntland ay si xor oo xalaal ah ay ku dhacdo, sidoo kale in si nabadgelyo ah ay ku dhacdo, isla markaana lala shaqeeyo qofkii ku soo baxa Doorashada” ayuu yiri Maxamed Cabdinuur.

“ Cadde Muuse Waa Oday Soomaaliyeed,oo Reer Puntland, oo aan aqoon  u leeyahay, Waxaanana Aamnisanahay in Door weyn oo muuqda uu ka qaatay Sidii ay Puntland uga dhici lahayd Doorasho Nabad ah” ayuu sii Raaciyay  Musharax Maxamed Cabdinuur.

no images were found

Musharax Maxamed Cabdinuur iyo Gen.Cadde Muuse Xirsi waa markii Saddexaad ee Kulmaan tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashadda Madaxtinimada Puntland, Waxaana Markii u horraysay ay ku kulmeen Bishii December 2013 Magaaladda Bosaso.

Xafiiska Olalaha doorashada
MusharaxMaxamed Cabdinuur
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online