Mu,ssada Safa oo dowro u qabatay macaliminta Dugsiyada Qu,aanka (Masawiro)
January 30, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Mu,sasada Safaa ee Dacwada & Hormarinta waxay maanta ooy taarikhdu tahay 1435-3-29 waafaqsan 2014-1-30 u qabatay macalimiinta Qur’aanka kariimka Dowro soconeysa laba maalmod oo loogu tala galay hormarinta Macalimiinta Dugsiyada Magaalada Muqdisho & nawaaxigeeda waxaa maanta ka baxay dowradaas ilaa afar muxaadaro oo kala ahaa:
1. Sifaadka Macalimka Qur’aanka dhigayo laga rabao waxana soo jeediyay, Sh. Maxamed C/laahi Asad
2. Hababka ugu haboon ee Qur’aanka dadka loobaro waxaa soo jeediyay, Ustaad Axmed Muuse Cusmaan
3. Maamulida & Hormarinta Dugsiyada Qur’aanka waxaa soo jeediyay Ustaad Shaafici C/caziz Dhafe
4. Xiriirka ka dhaxeeyo Dugsiyada Qur’aanka & Bulshada waxaa soojeediyay Dr. Xasan Sheekh Al- Basri .
Gabagabadii Maalintii u horesay dowrada waxaa lagu soo gabagabeeyay , muxaadaro loodhigay qaab niqaash ah oo la doodsinayay Macalimiinta dhaxdooda , cinwaanka laga doodayane waxuu ahaa ( isbarbardhiga qaababkii horey Qur’aanka loogu baran jiray & hada sida loo barto ) waxaa daadihinayay doodaas Mucalim C/raxmaan Nuur Cabdi. no images were found
Gebo-gebadii qeybta koowaad ee Dowrada ee maanta ayaa jawi wanaagsan ku soo dhamaatey, berina qeybta labaad ee Dowrada ayaa halkeeda ka sii soconeysa Ilaahey Idankii, waxaana la filayaa iney noqoto mid aad looga faa’iideysto.
Mu,ssada Safa Ee Dacwada &Horimarinta
Muqdisho