Mu’tmarka 4aad ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa oo la soo Afmeeray

January 9, 2014 - Written by Editor

DSCN9512Johannesburg:-Waxaa maanta lagu soo gababeeyay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa Shir sanadeedkii 4aad ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Africa kaas oo socday laga soo bilaabo 25 Dec 2013 ilaa 9 Janaayo 2014. Mutmarka 4aad ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Africa oo sanadwalba lagu marti qaado culima’udiin Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu casumay sanadkan culimo badan oo ay ka mid yihiin:-
1. Sh. Maxamed Cabdi Umal,
2. Sh. Cabdiraxiim Abu Ceyneyn
3. Sh. Cali Maxamuud Xasan (Caliwajiiz)
4. Sh. Dr Cabdiwali Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf
5. Sh. Dr Adan Sh. Cali
6. Sh. Cabdullaahi Cabdi Ibrahim
7. Sh.Cabdi Rashiid Baaxeer.

Culimada Mutamarka ka qayb galay ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen dalalka, United Kingdom, Finland, Kenya iyo Sa’udi Arabiya. Culimada ayaa safaro dacwo ku tagay magaalooyinka ay ka midyihiin Pretoria, Johannesburg, Cape Town, Port Elizabeth, Rustenburg iyo magaalooyin kale oo yar-yar, waxaa ayna goobahaasi muxaadarooyin wacyi galin iyo dar-daaran isugujira uga jeediyeen dadka Soomaaliyeed ee magaalooyinkaas ku nool.

Mu’tamarka ayaa markii ugu horeeysay waxaa uu ka bilaabmay South Africa sanadkii 2010-ka bisha Dec xiligaas oo ay kasoo qeyb galeen culimaa’udiin ay ka mid yihiin Sh. Maxamed Idiris Ahmed, Sh, Maxamed Cabdi Umal, Sh. Maxamed Maxamuud Shibli, iyo culimo kale.

Shir sanadeedka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Africa ayaa waxaa sanad walba soo abuubula golaha dacwada Al-bayaan waxaa ayna mu’tamarku ku cusumaan sanad walba culimaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ee ku nool daafaha caalamka.

W/D: Macalin Muqtaar Sh. Cabdiraxmaan
(Macalin Dugsi)
kumaatahay@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online