Maxaa loo dilay Cabdi Casayr? W/Q Sh Axmed Faarax Dheeli

January 27, 2014 - Written by Editor

diSudan:-Dadka qof walba waxaa uu leeyahay Ajal uusan dhaafayn oo Allaah uu horay ugu dhigay sabab kasta ha ku timaadee balse waxaa is wiidiin leh  magaalada Gaalkacyo yaa intaas oo waxgarad ah ku warjeefay ? yaase u maqan ? Ma is waydiiney dadka yaa Xasuuqaya ? Wiilasha  Bastoolaha wata yaa xogta siiya ? Yaa gurtaha u kireeya ? Yaa lacagaha loogu soo xawilaa ? Yaa  u ahay dhaqaalaha ? jawaabtu waa intuba waa dad reer Gaalkacyo ah oo Aakhiradoodii iyo Mustaqbalka magaaaladoodii ku gatay xoogaa yar oo Sandareerto ah.

Inta kuwaa wajiga laga dadbayo  ama qabiil ay ka dhasheen lagu tixgalinayo nin doorka reer Gaalkacyood wax ay ahaan doontaa mid macno la’aan loo gowraco iyo mid wadanka iskaga haajira. Weli ma is waydiisay Akhristow farqiga u dhexeeya Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso ? isku si iyo isku marbaa dilku ka wada bilowday laakiin labad magaalo oo kale dadku xaqiiqda iyo runta ayey waajeheen cid kasta oo lagu tuhmo taageero in ay u hayaan qolada wax laysa xididdada ayaa loo siibay waan laga nastay Waxaan dilalka qorshaysan ,qaraxyo ismiidaamin ah ay ku soo hareen magaalada Gaalkacyo macquulna ma ah in wiil yar oo kaligiis Bistoolad wata inuu howlfuliyo.

Haddaan u soo noqdo marxuun Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere), oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo aniga oo alle naxariis u wiidiinaya in alle siiyo maadaam dil xaqdaro ah lagula kacay, Marxuunka si fiican ayaan u aqaanay waxaa uu maamule ka ahaa Hay’adda Maxali ah oo la oran jiray NRO oo waxqabadkeedu meelo badan gaaray gaar ahaan Jariiban iyo Galdogob inta u dhexeysa.

Allaha u naxariistee marxuun Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere),waxaa uu ahaa nin nabada aad uga shaqeeya marar badan arrimo nabadayn ah aan ka wada shaqayn , marxuunka waxaa uu ahaa nin hal abuur leh oo hay’adda NRO uu alifay xil i dadkuba aysan ku baraarugsanayan howlo hay’addood.

Markii iigu danbaysay Galab iyo Subaxba Taleefoonka ayaa loogu hanjabi jiray ilaa ay gaartay in marka uu soconayo xiliyadda qaarkood uu Bistooladiisu uu laalaadsado. Ugu danbayn muxuu Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere) oo loogu hanjabayey ugu danbayna lo dilay ? Jawaabteedu waa in uu ahaa nin bulshada wax uga yaal, wuxuunna la mid yahay boqolaalkii ka horeeyey oo dhiig maka -dhargayaashu xasuuqeen oo dhamaantood ku calaamadsanaa waxtar ka bulshada gaar ahaan Culimo, Aqoonyahan, Nabadoono, Waxgarad, Saraakiil ciidan, Qaaliyaal, Ganacsato, Xildhibaano Iwm.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa sidda Qaalibka ah waxaa amaan ku jooga inta aan bulshada wax weyn ugu oolin.

W/Q Sh Axmed Faarax Dheeli
Sudan, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online