Nadwadii ka socotay magaalada Ceerigaabo oo gashay habeenkii 4aad (Masawiro)

January 29, 2014 - Written by Editor

DSC00956Ceerigaabo:-Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka socotay magaalada Ceerigaabo ayaa gashay habeenkii 4 aad, Nadwadaan oo ciwaankeesu yahay :منهج أهل السنة في الدعوة الى اللهayaa waxay ay ka socotaa Masjidka Jaamaca magaalada Ceerigaabo. Mawaadiic ayaa culimadu ka hadleen sidda:

1-Fasaadka iyo noocyadiisa

2-Iskaashiga khayrka ah

3-In aan la isku kaashan sharka

4-Ku dayashada nabiga صلى الله عليه وسلم iyo salafka.

Caawa oo khamiis ah ayaa Sh.Dr.Xassan Sh.Cali Warsame ayaa aad u qaada dhigay ahmiyada cilmiga iyo adaabta daalibu cilmiga laga rabo waxa kale oo Sh.Dr.Xassan uu ka hadlay xurmada ay leeyihiin Ahlu cilmigu. Dadweynaha reer Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa Masaajidka buux dhaafiyey dadweyne aad u tiro badan waxana lagu soo gunaanaday Mowduuca caawa su,aalo culimada la waydiiyey oo ay uga faa,iideeyeen dadwaynaha su,aalaha oo aad u tiro badnaa ayaa waxa ka jawaabay culimo ay ka mid yihiin :-

1-Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan-
2-Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike
3.Sheekh Dr .Xasan Sheekh Cali Warsame.

Nadwadaan oo aad ay ugu riyaaqeen dadweynaha reer Sanaag ayaa socon doonta maalmaha soo socda dhinac kale waxaa galabta ka dhacay fagaaraha magaalada Ceerigaabo muxaadaro aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan oo iskugu jira yar iyo waayeel rag iyo dumar.

no images were found

Muxaadaradaan ayaa waxa uga qayb galay si wadaag ah culimada kala ah Sheekh Cabdiqani Ow Saalax iyo Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike. Culimada ayaa dadweynaha waxay kula dardaarmeen alla ka cabsi iyo in ay ku camal falaan waxay barteen.

Gabagabadii muxaadarda ayaa culimadu waxay ugu baaqeen dadka isticmaala balwada(qaadka iyo sigaarka) in ay ka toobad keenaan oo ay ilaahay u soo noqdaan cidii ka soo noqotana in loo ducayn doono ka dibna waxa isla markiiba culimada hortooda ka cadeeyey in ay toobadkeeneen dad aad u tira badan,culimada iyo dadwaynaha ayaa allaah u brayey dadkan toobadkeenay in wax ka fiican uu ugu badalo.

Sidoo kale waxa maanta safar dacwadeed ku tagay deegaanada maydh ee gobolka Sanaag culimo ka tirsan wafdiga culimada ee safarka ku joogay maalmahan gobolka Sanaag.

Culimadan ayaa waxa ka mid ahaa :-

1. Sheekh Maxamed Cumar Dirir
2. Sheekh Maxamed Adan Muxumed
3. Sheekh Mustafe Adan Maxamed
4. Sheekh Feysal Maxamed Cumar
5. Sheekh Maxamed Cali Biixi

Culimada ayaa dardaarano kala duwan u soo jeediyey dadwaynaha ku dhaqan deegaanka maydh iyo nawaaxgeeda, dadwaynaha ayaa culimada aad u soo dhaweeyey iyaga oo wadooyinka la taagnaa caleemo qoyan.

Musasada Al-Karam
Halgan.net,Ceerigaabo

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online