Nadwo cilmiyeed si habsami leh uga socta Masjidka Jaamicul Qadiim ee Boorame

January 28, 2014 - Written by Editor

DSCF3206Boorame:-Waxaa si habsi leh uga socda magaalada Boorame Nadwo cilmiyeed qiimo badan taas oo lagu qabtay Masjidka Jaamicul Qadiim ee magaalada Boorame

Muxaadarada Caawa ayaa waxaa ayaa waxaa sooo jeediyey Sheekh Xasan Khayre Dirir waxaana uu ka hadlay Sheekhu Tahriibka iyo dhibaatada uu ku hayo Dhalinta Soomaaliyeed

Sheekh Xasan Khayre Dirir  ayaa dhalinyarta si weyn ugu waaniyey una tusaaleeyey jaceylka dalkood iyo dhibaatada ay ka dhaxleed dhalinta tahriibtay . Masaajidka ayaa markaad ku sugan tahay waxaad dheehanaysay in  si weyn loo soo buux dhaafiyay waxayna u badnaayeen dhalinyaro

Mawduucan uu sheekhu soo qaatay ayaa ahaa mid dhalin yartu aad u sugayeen  isaga oo sheekhu tusalayntiisii ku soo daray in daraasaad badan oo laga sameeyay  ay sheegtay in boqolkiiba lixadan (60%) ay yihiin kuwa jecel dhoofka .

no images were found

Waxa kale oo uu sheekhu saacadihii danbe ee muxaadaradiisa aad ugu dheeraaday sababaha ku dhaliya dhalin yarta tahriibta ay tahay in dadka qurba joogta ah aad loo buun buuniyay iyaga oo marka ay wadanka imanayaan casumado badan loo sameeyo iyo in dawlada xilalkeeda sar sare loo dhiibo iyada oo uu sheekhu tilmaamay in ay kuwa wadan ka aaminay ay xaq uga mudnaayeen in iyaga talada dalka loo dhiibo.Muxadaradan ayaa ku soo gabagaboowday duco iyo waano la sii naayay dhalin yarada.

Dhinaca kale Habeenkii ka horeeyay muxaadaradan caawa ayaa waxaa lagaga hadlaaya mawduuca ah in lagu daydo gaalada. Muxaadaradan ayaa waxaa soo wada jeedinaayay labada Sheekh ee kala ah Sh. Deeq Abdi Xasan iyo Sh. Max’ed Yuusuf Abdi
Labada Sheekh ayaa aad uga digay in la raaco gaalada la iskuna ekaysiiyo iyaga oo daliil badan ka soo guuriyey kitaabka iyo Sunaha  waxayana gabagabadii Naseexo u soo jeediyeen dhalinyarada iyo umada Islaamka in ay ka digtoonaadaan dhagarta gaalada

Nadwadan ka socta magaalada Boorama ayaa ah tii Afraad  waxaana isku dubariday Markizu Salaaxu diin ee Boorame.

Ururka badbaadada dhalinyarada
badbaado04@hotmail.com
Boorame

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online