Puntland oo saxaafada u soo bandhigtay hub iyo Agab kale oo ay ka qabsadeen Al-shabaab (Masawiro+Cod)

January 26, 2014 - Written by Editor

DSC01366Galgala:-Ciidamada dowladda Puntland ayaa saaka saxaafadda u soo bandhigay hub iyo walxaha qarxa oo ay ka qabsadeen ururka Al-shabaab ka dib markii ay shalay weerar gaad mo ah ciidanka daraawiishata ee Puntland ku qaadeen fariiso ay ku sugnaayeen dhalin yaro ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Sii hayaha xilka Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Ciidan ka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa  shir jaraa,id oo ay qabteen magaalada Boosaaso  ku soo bandhigay Rasaas,Dawooyin,walxaha qaraxa ,Raashin,  Soolaro  iyo agab kale oo ay dhamaan laga furtay kooxada Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ciidamada daraawiishta  Puntland iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Puntland sidda ay mar walba ugu taagan yihiin difaaca Puntland.

no images were found

Dhanka kale Sii-hayaha xilka Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo isana goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxada Al-Shabaab wuxuuna sheegay in howl galka ay ugu dhinteen hal askari.

Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay guusha ay sheegteen ciidanka Puntland iyo galabka ay saaka soo bandhigeen,

Hoos ka Dhageyso Shir jaraa,id oo ay Boosaaso ku qabteen Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan iyo Taliye ku xigeenka Ciidan ka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse


M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online