R.W oo soo gabagabeeyey kulan looga hadlayay qorshaha xukuumada ee 2014

January 27, 2014 - Written by Editor

IMG_2774Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta soo gabagabeeyey kulankii labada cisho soconayay ee looga hadlayay qorshaha xukuumada ee sanadka 2014, waxaana kulankan maanta si gaar ah loogu casuumay xubno matalayay beesha caalamka, dalalka deeqbixiyeyaasha, iyo safaaraddo.

Kulanka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo sheegay in kulankan ay si gaar ah diirada ugu saarayaan howlaha xukuumada ee u baahan iskaashiga beesha calaamka iyo dalalka deeqbixiyeyaasha, wuxuuna xusay in kulankani uu gogol dhig u noqon doono wada shaqeyn iyo iskaashi dhex mara beesha caalamka iyo xukuumadiisa

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in xubnaha beesha caalamku ay kulankan goob joog ka noqdaan, maadaama ay iskaashiga ugu badan la leeyihiin beesha caalamka, gaar ahaana Q/midoobay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

Shirka ayaa waxaa ka hadlay xubno matalayay Q/midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Turkey, Norway iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, waxayna dhamaantood ka mahadceliyeen casuumaada, waxayna xuseen inay si buuxda u garab istaagi doonaan dawladda Federaalka.

Ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Q/midoobay iyo deeqbixiyeyaasha caalamku ay ku saleyn doonaan taageeradooda soo jeedinta dawladda Soomaaliya isla markaana aaney dhici doonin in kor looga keeno baahida iyo taageerada “Waxaan halkan ka cadeynayaa in beesha caalamka ay diyaar u tahay inay baahideeda ka dhegeysato dawladda Soomaaliya si looga taageero” ayuu yiri Lazzarini.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday golaha Wasiiradu inay u howlgalaan sidii dalka looga dhaqangelin lahaa qorsheyaasha xukuumadda loona gaarsiin lahaa dhamaamba gobolada dalka adeegyadii aas aasiga ahaa ee shacabku u baahanyihiin.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer,
PM office

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online