R.Wasaaraha DFS oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid Aw-jaamac Cumar Ciise

January 7, 2014 - Written by Editor

abdiweliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka hadlay geerida ku timid tariikh-yahanka Soomaaliyeed, ahaana Qoraaga, Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise oo xalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Jabuuti oo uu muddooyinkii u dambeeyey ku xanuunsanaya.

Ra’iisul Wasaaruha Soomaaliya waxaa uu si gaar ah tacsi ugu diray Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Waxaana uu yiri “Waxan alle uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo Marxuumka oo waxbadan ay ku xasuustaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in Aw-Jaamac Cumar Ciise lagu xasuusan doono uruurinta taariikhda Soomaaliyeed iyo Suugaanta, waxa uuna kaalin mug leh  ka geystay dhowrista Afka Somaliga oo uu ka qoray buugaag badan”.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf

Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online