Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku ammaanay Puntland doorashada Baarlamaanka, una hamblayeeyay guddoonka cusub

January 5, 2014 - Written by Editor

abdiweliMuqdisho, January 5, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh Axmed Maxamed ayaa si weyn u soo dhoweeyay doorashadii guddoonka Baarlamaanka Puntland ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Garowe ee xarunta u ah dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay doorashadaasi mid u dhacday si huffan oo ku dayasho mudan.

“Waxaan si weyn ugu hambalyaynayaa dhamaan xubnaha baarlamanka Puntland iyo gudoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Mudane Siciid  Xasan Shire, guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiillada Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Xuseen Yaasiin Diiriye. Waxaan dhamaantood u rajaynayaa in uu ilaahay u fududeeyo mas’uuliyadaasi loo doortay, iyaguna ay kasoo dhalaalaan xilkaasi ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

“Si dhow ayaan ula socday doorashadii guddoonka Baarlamanka Puntland ee shalay la soo gaba gabeeyay, waxay ahayd doorasho taariikhi ah oo muujisay bisaylka siyaasadeed ee Puntland ay ku talaabsatay oo tusaale wasaangsan u ah dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo intaasi sii raaciyay in ay tahay wax lagu faani karo, cadeyna u ah horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey doorashada madaxweyne-nimada ee dhowaan la qaban doono in ay ku dhamaato hannaan dimoqraadiyadeed oo raali laga wada yahay.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
E: media@opm.gov.so
Mob.+252616969105

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online