Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya oo hortegay Baarlamaanka

January 21, 2014 - Written by Editor

abdiweliMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa maanta waxaa uu tegay xarunta golaha baarlamaanka isagoo hadal u jeediyey Xilidhibaanada DFS uga codsaday in codka kalsoonida la siiyo xukuumada cusub ee uu soo dhisay.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh. Axmed ayaa sheegay in haddii xukumadiisa la ansixiyo uu wax weyn ka qaban doono dhinac amniga uuna soo dhisi doonaa 28,000 kun oo askari oo ka kooban qaybaha ciidanka ee kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh. Axmed Maxamed  ayaa waxaa kal oo uu u sheegay Xildhibaanada in xukuumada cusub ee uu soo dhisay uu ku soo xushay ka dib wadatashi dheer oo uu la yeeshay bulshada oo dhan gaar ahaa Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya qaarkood.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh. Axmed Maxamed  ayaa khudbadiisa maanta uu ka hor jeediyey baarlamaanka waxaa ay u muuqtay mid uu kaga codsanayo Xildhibaanada in xukuumada uu soo dhisay ay kalsooni buuxda hesho.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh. Axmed ayaa ku celiyey in xukuumadiisa ay wax weyn ka qaban doonto arrimo weli qabyo ah gaar ahaan dib u habeynta Dastuurka , sugida amaanka iyo la dagaalka kooxda Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa xildhibaada ka hor sheegay in haddii xukuumadiisa kalsooni ay siiyaan ay ciidanka Dowladdu si deg deg ah u soo celin doonaa gobollada weli gacanta ugu jira ururka Al-shabaab.

Markii uu Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh. Axmed dhameeyey khudbadiisa ayaa Xildhibaanadu waxaa ay bilaabeen in ay ka doodaan in codka kalsoonida la siiyo xukuumada iyo in kale welina waxaa socda doodu.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online