Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed oo booqday wasaarada G/dhiga ee DFS(Masawiro)

January 1, 2014 - Written by Editor

IMG_9890Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida, sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada  lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah ee Al- Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay kormeerkiisan ku wehliyeen Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Faqi iyo kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa ugu horeyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isaga oo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeygeen difaaca Qaranka iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran “Waxaan idinku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka ciidanka iyo Qalabeynta Ciidanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku booriyay ciidanka Xoogga dalka in sanadkan ay u noqon doonto sanadkii dib-u-dhiska iyo sifeynta Xagjirka, “Sanadkan waxay u noqoneysaa sanadkii dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga iyo sifeynta kooxaha Xagjirka ah ee shacabka cunaqabateeyey horumarkana u diiday” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli mar uu la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga.

no images were found

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa booqasho ku tegay xerada tababarka ciidanka ee Jazeera, wuxuuna halkaasi kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga, wuxuuna u balan qaaday in Xukuumadu ay muhiimad gaar ah siineyso helista xaquuqdooda iyo qalabeyntoodaba, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga iyo xasilinta.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online