Sarkaal ka tirsan DFS oo soo dhaweeyey in ciidanka Itoobiya ku biiraan AMISOM
January 23, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maalintii shalay ay saraakiisha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay shaaci yeen in ciidanka dalka Itoobiya uu si rasmi ah ugu soo biiray ciidanka AMISOM arrin kaas oo uu Sarkaal ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya uu soo dhaweeyey. Abaanduulaha ciidanka DFS Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa soo dhaweeyey in ciidanka Itoobiya ay ka mid noqdaan ciidanka AMISOM ee ku sugan qaybo ka md ah gobollada dalka Soomaaliya.
Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidanka dalka Itoobiya ay wax weyn ka qaban doonaa la dagaalanka ururka Al-shabaab uuna filayo in ay is bedel weyn ku soo kordhin doonaa dagaalka ciidanka AMISOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto ururka Al-shabaab.
Abaanduulaha ciidanka DFS Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in ciidanka dowladda Itoobiya ay ka howl geli doonaa ayna qayb ka noqon doonaa ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobolladda Bay , Bakool ,Gedo iyo gobolka Hiiraan.. Ciidanka Itoobiya ayaa waxaa ay ku sugnaayeen gobollada Soomaaliya ee ku yaal xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya waxaan ay dhowr jeer oo hore weeraro ku soo qaadeen degaano ay ka talinayeen ciidanka Al-shabaab waxaan ay qayb weyn ku laaheeyn in magaalada Baydhabo iyo degaano ka tirsan Gobolka Gedo lagala wareego ururka Al-shabaab.
A/cawaale
Halgan.net