Sh.Abu Basiir Al- Dharduus أبو بصير الطرطوسي oo bayaan ka soo saaray kooxda Daacish ee dalka Suuriya.[Akhri]

January 15, 2014 - Written by Editor

DarduusiBayaan lagu faafiyey mareegta uu Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim laguna naanayso Abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka u dhexeeya kooxaha ka dagaalamayey dalka Suuriya isagoo bayaankiisa ugu magacdaray بيان حول ما يجري من اقتتال بين جماعة الدولة ومجاهدي الشام ”Bayaan ku saabsan dagaalka u dhexeeya Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam iyo Mujaahidiinta Shaam.”

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu ahaa ragga Munadiriinta u ahaa Kooxaha hubeysan ee taageera ama ka mid ah Ururka Al-qaacid isagoo qoray Risaalooyin fara badan oo uu ku taageersanaa arrimo badan. Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu leeyahay Kutub badan oo ay aad u cuskadaan kooxaha Islaamiyiinta ee hubeysan ama dadka fikrigooda raacsan ilaa ay gaarsiiyeen qaarkood in uu yahay Munadirkii Ururka Al-qaacid.

Haddii aan u soo laabto bayaanka uu soo saaray Sheekh Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiira Al- Dharduus ayaa waxaa uu ku xusay in uu horay uga digay ficilada ay maanta Jabhadda dowladda Ciraaq iyo Shaam ay ka wadaan dalka Suuriya isagoo sheekhu uu ku eedeeyey kooxdaan arrimaha soo socda:-

1.In Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ay tahay koox xadgudub diineed ku dhacday oo dadka Muslimiinta ku riday gaalnimo iyo Rido siddii ay sameeyeen Khawaarijtii noolaa waqtigii Cali Ibnu Abu Dhaalib allaha ka raali noqdeen.

2.In Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ay banaysteen dhiigii dadka Muslimiinta oo xitaa kooxihii Jihaaday ay ku tuureen gaalnimo iyo Rido.

3.In Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ay tahay koox soo qaatay mashruuc ah in gudaha laga dumiyo kooxah dagaalka kula jira dowladda Suuriya ayna abuurtay dagaal dadka muslimiinta dhexdooda ah.

4.In Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ay kula kaceen dadkii Muslinka ahaa Afduub, Xasuuq wadareed,qaraxyo lagu laayo ama lala beegsado xarumaha Mujaahidiinta iyo shacabka Suuriya.

5.In Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ay tahay koox Khawaarij ah bal marka la eego ficilkoodu yahay mid ka daran Khawaarijta, waxaan ay isku darsadeen Xadgudub diineed Cadawnimo, iyo dhiiga muslimiinta oo la daadiyo.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa sheegay in mudo laga joogo lixbilood uu uga digay Muhaajiriinta yimid Suuriya in ay ku kadsoomaan Jabhadda dowladda Ciraaq iyo Shaam ayna ka fogaadaan in dadka Muslimiinta ay dhiigooda ay banaystaan taas oo ahayn u jeedadda ay u yimaadeen dalka Suuriya.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu ugu baaqay in hogaanka Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ay joojiyaan dagaalka ay ku wadaan dadka Muslimiinta ah iyo gaalaysiintooda ayna maqlaan Naseexaadka loo soo jeedinayo haddii kale waxaa sharci ah in kooxaha Mujaahidiinta ee ka dagaalamay dalka Suuriya ay la dagaalaan iskana celiyaan si loo joojiyo dulmigooda.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa sheegay in kooxaha ka dagaalamay dalka Suuriya qofkii kaga dhinta isagoo la dagaalamaya Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam uu yahay Shahiid kuwa ka dhinta dhinac Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam ay yihiin Ahlunaar Danbiilayaal ah. Halkaan ka eeg bayaanka uu soo saaray Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu ka mid yahay culimo dhowr ah oo kooxihii ka dagaalamay Soomaaliya gaar ahaan ururka Al-shabaab ay soo wiidiiyeen su’aalo badan oo haddii alle idmo qormada danbe aan ku soo bandhigi doono mawaaqifii أبو بصير الطرطوسي  arrimaha Soomaaliya, culimada waaweyn ee dalka Sacuudiga wax uu ka yiri, iyo mowqifkiisa ku aadan Sh Yuusuf Al-Qardhaawi iyo ururka Xamaas.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online