Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame oo la kulmay Ardayda Jaamacada bariga Afrika (Masawiro)
January 30, 2014 - Written by EditorCeerigaabo:-Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada safarka dacwadeed ku joogay magaalada Ceerigaabo ayaa manta oo khamiis ah waxaa uu kulan la qaatay ardayda kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Ceerigaabo .
Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame oo dhawaan wadan ku soo laabtay ka dib markii uu muddo ka badan 10 sanno uu wax ka dhiganayey jamaaca al-islaamiya ee magaalada barkaysan ee madiina al-Munawaraha waxaana uu ku soo takhasusay xadiith iyo culuumtiisa isaga oo ka gaadhay darajada PHD
Ardayada ayaa waxay ka faa,iidaysteen fursadan iyo nasiibka ay maanta u heleen in ay la kulamaan Sheekh Dr.Xasan Sh Cali Warsame siay uga faa,deystaan , talooyin iyo nasaa,ix kala duwan oo aad u qiimo badan ee uu soo jeediyey isga oo ugu baaqay in ay cilmiga barashadiisa ku dadaalaan kana faa,iidaystaan waqtiga kuna tala galaan in ay wax u qabtaan umadooda mustaqbalka , sida oo kale waxa uu ku booriyey in ay muujiyaan isku duubni iyo wax wada qabsi kana foojignaadaan afkaarta qaldan ee aan haboonay.
Ardayda oo aad ugu farxasanaa kulankan qiimaha badan ayaa waxay Sheekh Dr Xasan waydiiyeen su,aalo kala duwan oo ku saabsan qabka ay u sii wadi karaan tacliinta sare iyo wax yaabaha u fuduaynaya arimahaas.
no images were found
Magaalada Ceerigaabo uu ah xarunta gobolka sanaag, ayaa waxay ka mid tahay meelaha aadka looga barto culuumta kala duwan iyada oo ay ku yaalaan dhamaan qaybaha kala duwan ee tacliintu sida macaah,ida maraakiz,madaaris taxfiid ah, school, jaamacado
Mu,ssada Al-Karam Ee Dacwada &Horimarinta
Ceerigaabo
Halgan.net