Sh.Maxamed Haybe Geele oo lagu dhaawacay magaalada Hargeysa

January 18, 2014 - Written by Editor

hargeysaHargeysa:-Sheekh.Maxamed Haybe Geele oo ka tirsan culimada caanka ka ah ee ku nool magaalada hargaysa ayaa xalay dhaawac loogu geystay xili uu muxaadaro diini ah ka jeedi nayo Khayriyadii hore ee magaalada Hargeysa horteeda.

Sheekh Maxamed Haybe Geele ayaa  saacadu markii ay ahayd 6.00 fiidnimo  waqtiga Soomaaliya xili uu jeedinayey muxaadaro diini ah waxaa mindi uu ku weeraray nin gacan ku dhiigle ah oo Sheekh.Maxamed Haybe Geele  dhaawac ka gaarsiiyey garabka bidix ilaa labo meelood iyo Suulka isagoo ku guulaystay in uu baxsado.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo la hadlay saxaafada caawa ayaa sheegay in ninkii toorriyeeyey Sh.Maxamed Haybe oo ka mid ahaa Culimada wanaag Fasita iyo Xumaan reebista ee Magaalada Hargeysa ay ciidanku soo qabteen.

Gacan ku dhiiglaha ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Maxamed Cali waxaan uu hadda ku xiran Saldhiga Booliska ee magaalada Hargeysa waxaan hadda su’aalo weydiinaya ciidanka amaanka ee magaalada Hargeysa. Ninkaan ayaa dhowr jeer oo hore  waxaa xiray ciidanka Booliska una xiray arrimo ku saabsan dhinaca diinta.

Wixii Faahfaahin ah ee ka soo kordha  dib ayaan idinkag soo gudbinaynaa haddii Alle idmo

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online