Sh Maxamed Idiris oo Muxaadaro ka jeediyey Masjidka Cali Mataan Ee Hargeysa.
January 20, 2014 - Written by EditorHargeysa:-Sh.Maxamed Idirs Axmed oo ka mid ah culumada sidda weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya ayaa socdaal dacwo ku gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta S/land waxaana uu xalay muxaadaro qiimo leh ka jeediyey Masjidka weyn ee Cali Mataan .
Sheekh Maxamed Idirs Axmed ayaa waxaa Cinwaanka muxaadaradiisa ay ahayd تغيير الأمم (Badalida Umadaha) waxaana uu sheekhu si wanaagsan u qadaa dhigay sidda qu,aanka uu umadihii hore uga sheekeeyey una badalay waxaana si gaar ah u soo qaatay suurada Qaaf.oo sheekhu guud ahaanba uu dhameeyey taas oo dad waynihii dhagaysanayey galisay qiiro.
Intaa kadib sheekhu waxa uu bilaabay in uu ka waramo asbaabta bulshada badasha ama ay ku horumaraan , sheekha ayaa waxa uu ku dhiiri galiyey guud ahaan bulshada soomaaliyeed in la qaato asbaabta iyo sunanka rabbaaniga ah ee allaah subxaanahuu wataacaalaa uu u dhigay umadaha
Sheekh Maxamed Idirs Axmed ayaa maalmihii ugu danbeyey jowlo dacawi ah ku joogay magaalada Hargeysa waxa uu ka jeediyey mawaadiic kala duwan sida:
1-Siminaar diini ah oo uu u qabtay qaar ka tirsan ducaada magaalada Hargeysa
2-Booqasho wacyi galin ah oo u ku tagay qaar ka tirsan jaamacadaha dalka iyo dugsiyada sare.
3-Muxaadaraad diini ah.
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta inshalaah muxaadaraadka uu uu jeediyey Sh Maxamed idiris Axmed Xafidahulaah.
Musasat Al-Karam
Halgan.net