Sh Xasan Daahir Aweys oo xabsiga laga sii daayey lana geeyey guri ku yaal xaafada Wardhiigley
January 29, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Warar lagu kalsoonyahay oo ku dhow Sh.Xassan Daahir Aweys oo aan caawa la xiriirnay ayaa Halgan.net u xaqiijiyey in Sh.Xassan Daahir laga soo daayey xabsigii uu ku xirnaa lana geeyey Guri ku yaal magaalada Muqdisho kuna dhow iskoolkii 15 May .
Beesha Sh.Xassan Daahir Aweys iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u socday maalmahaan in Sheekh Xasan la siiyo xoriyadiisa waxaana ay isku qabteen cida masuulka ka noqon doonta amaanka Sheekh Xassan Daahir Aweys.
Ilaa haatan ma cadda cida masuulka ka noqon doonta amaanka Sheekh Xassan Daahir Aweys oo leh cadow badan oo ay ugu horeeyaan Amniyaadka ururka Al-Shabaab kuwaas oo uu Sheekhu uga soo tagay deegaanadii ay ka talin jireen ka dib markii ay dilee ragii ugu sareeyey Al-Shabaab shirqoolna ay u dhigi lahaayeen uu Sheekh Xassan Daahir Aweys ka baxsaday.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa mudo 7 bilood ah u xirnaa DFS waxaana ilaa haatan la aqoon in dalka uu ka bixi doono Sheekh Xasan Daahir Aways iyo in uu sii joogi doono.Waxaa kale oo xabsiga laga sii daayey rag kale oo aad ugu dhawaan Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sh.Xassan Daahir Aweys oo aan caawa isku daynay in aan xiriir la sameyno ayaan noo suurto galin balse Wariyaasha Halgan.net ayaa isku dayi doonta in Sh Xassan Daahir Aweys ay xiriir la sameeyaan haddii duruufaha ku xeeran Sh.Xassan ay noo saamaxaan.
A/Cawale
Halgan.net