Sheekh Maxamed Saalax Al-Munjid oo ka hadlay xaalada dalka Suuriya (Daawo)
January 28, 2014 - Written by EditorMecca:-Sheekh Maxamed Saalax Al-Munjid oo ka mid ah culumada Islaamka kuwooda ugu caansan ayaa waxaa uu ka hadlay xaalka dalka Suuriya iyo dhibaatada ka taagan iyo waajibka saaran dhamaan muslimiinta ku nool gudaha dalka Suuriya iyo dibadiisa
Sheekh Maxamed Saalax Al-Munjid ayaa aad uga hadlay dhibaatada heysta Muslimiinta Suuriya wuxuuna sheekha aad ugu dheeraaday khilaafka kooxaha Jihadka ka wada dalka Suuriya wuxuuna u dardaarmay muslimiinta Suuriya alle ka cabsi iyo in ay alle baryaan.
Sheekh ayaa sidoo kale ka digay fikirka Khawaarijta ,gaaleysiinta iyo dhiiga Muslimiinta ,iyo Baycada cid aan la aqoon diintiisa iyo khibradiisa waxaa kale oo uu uga digay dhalinyarada degdega wuxuuna kula dardaarmay in ay akhriyaan taariikhdii Khawaarita isaga oo si kooban u soo koobay Khawaarijta.
Hoos Ka Dhageyso ماهي أهم الواجبات على المسلمين داخل سورية وخارجها ؟ Sheekh Maxamed Saalax Al-Munjid
Sheekh Maxamed Saalax Al-Munjid ayaa horey qoraal dahabi ah ka qoray dagaalada ka socda dalka Suuriya kuwaas oo u dhexeeya kooxaha Jihaadka kula jira dowlada Nuzeyriga iyo Xulafadooda Shiicada wuxuuna ka hadlay dhagarta gaalada iyo khilaafka ka socda Warbaahinta kooxaha ka jira dalka Suuriya.