Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen.Siciid dheere oo ku eedeeyey qaraxii Gaalkacyo Al-shabaab [Dhagayso]

January 24, 2014 - Written by Editor

Siciid-DheereGaroowe:-Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garoowe ayaa waxaa uu ku eedeeyey qaraxii ka dhacay magaalada Gaalakacyo laguna laayey dad shacab ah in ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah  ka bixiyeyo in cid loo qabtay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo waxaan uu xusay in baaritaan ay wadaan ciidanka sirdoonka Puntland PIA iyo ciidanka Booliska.

Gen.Siciid Dheere  ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan meelaha wax ka dhacaan ayna u daayaan ciidanka amaanka si looga fogaado in dadka shacabka ay dhibaato soo gaarto.

Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa xusay in amaanka guud ee Puntland uu yahay mid wanaagsan , ciidanka amniga ay wadaan howshooda waxaase muhiim ah in dadweynaha reer Puntland ay isku duubmaan ayna la shaqeeyaan ciidanka amniga.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Garoowe uu la yeeshay Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere)

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/guj9g8qo4y/siciiddheere.mp3] Halkaan ka Dhagayso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online