Al-shabaab oo taageero iyo hishiis ka codsaday Beesha Habargidir
January 20, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali dheere, ayaa waxa sheegay inay beesha Habar gidir ay ka doonayaan iney ku garab istaagto dagaalka ay kula jiraan ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ka dalbaday gargaar.
Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali dheere, ayaa ka codsay odaaysha beesha Habar gidir in ay dhalinyarada ciidanka u ah dowladda federaalka Soomaaliya ay ka soo saaraan ugu yaraan isagoo xusay in ay cafis u fidin doonaa oo aan waxba la yeeli doonin.
Afhayeenka Al-shabaab, Sh. Cali dheere ayaa yiri ” Beesha Habargidir iyagaa u ah indho Koonfurta Soomaaliya wixii ay kiciyaan waa kacayaaan wixii ay damiyaan waa damayaan sidaas darteed waxaan codsanaynaa beesha firfircooni doodii iyo raganimadeedii ha la arko oo gaalada dadka ku kiciya.”
Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sh.Cali dheere ayaa sheegay in dhinacooda waxa beeshu ka tabaneyso ay ka garaabi doonaan, isagoona carrabka ku adkeeyey iney dedejin doonaan, waajibkeena waan ka soo baxaynaa waxaan rajeyna yaan in tiina ka soo baxdaan.
Codigsa uu Afhayeenka Al-Shabaab, Sh.Cali dheere u jeediyey beesha Habargidir ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili uu weli u xiran yahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya Sh Xassan Daahir Aweys oo gacanta u galay DFS xili uu magaalada Baraawe waqti habeen ah uu ka soo baxsaday Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ka dib marki magaalada Baraawe lagu dilay Sh Ibrahim Afgani iyo Macalin Burhaan halka Sh Abu Yasir Al-muqdisho iyo Abu Ayaan iyo rag kale ay ka baxsadeen degmada Baraawe.
Gobolladda ay degto beesha Habargidir ayaa beesha iyo ururka Al-shabaab waxaa ku dhexmaray dagaalo fara badan oo lahaa wajiyo badan waxaan ku dhintay dhalinyaro badan oo ka kala tirsan labad dhinac.
A/cawaale
Halgan.net