Wadahadaladii u dhexeeyey DFS iyo Somaliland oo wili ka socda Istanbul (Dhageyso)
January 18, 2014 - Written by EditorIstanbul:-Waxaa wili ka socda magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiya wadahaladii u dhexeeyey DFS iyo Maamulka S/land waxaa ay socdaan maalintii sadexaad.Wasiirka amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wada hadallada u dhexeeya DFS iyo Maamulka S/land kuwaas ka wada hadlaya arimo xasaasi ah.
Wasiirka amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomliga ee BBC waxaa uu ka warbixiyey halka ay marayaan wadahadalada DFS iyo S/land wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan oo laga wad hadlay shirarkii ay horey u wada galeen DFS iyo S/land iyo wixii u hagaagay.
Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirka amniga qaranka ee DFS ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalada DFS iyo S/land ay u baahan tahay wakhti aad u dheer si loo turxaan bixiyo arimo badan.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga BBC la yeelatay Wasiirka amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed
Wasiirka amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhanka DFS ay ka dhab tahay in heshiis la gaaro wax walbana laga wada hadli karo marka laga reebo midnimada Soomaaliya
Dhanka kale Maxamed Biixi Yonis oo ah wasiirka arimaha dibada ee S/land ayaa wareysi siiyey BBC waxaana uu sheegay in gooni isku taaga S/land aysan gali doonin wax gorgortan ah.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga wasiirka arimaha dibada ee S/land Maxamed Biixi Yonis
Warar hoose oo ay Halgan.net ka heshay ilo wareed ku dhow shirka ayaa sheegaya in shirka qarka u saaran yahay in uu burburo ka dib markii ay wafdiga S/land ay ku adkeysteen in Soomaaliya ay ka go,een 20 sano ka hor la iskana ilaawo in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliweyn.
A/Cawale
Halgan.net