Wafdi Culimo ah oo socdaal Dacwadeed ku kala bixiyay Gobolka Sanaag.[Masawiro]

January 31, 2014 - Written by Editor

IMG_0618Dhahar:-Xarunta Degmada Dhahar ayaa waxaa safar Dacwo ku tegay wafdi culimo ah oo uu hoggaaminayo Sh Axmed C/samad oo ah guddomiyaha Jamacatul ictisaam bil kitaabi wal sunnah iyo maamulka Mu’asada al-minhaaj.

U jeedka Safarka culimada ayaa waxaa ay salka ku haysaa horumarinta Dacwada degmada Dhahar
una kuurgalaya goobaha waxbarashada iyo Masaajidda si qiimayn loogu sameeyo, wafdiga culimada ayaa waxaa ay booqasho ku tageen goobaha waxbarashada guud ahaan gaar ahaan Macaahidda sharciga ah si loo dhiiri gelyo waxaan ay kulan gaar ah la qaateen bulshada Dhahar qaybaheeda kala duwan.

Wafdiga culimada ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweyay duleedka magaalad Dhahar halkaas oo ay magaalada bannaankeeda uga horyimaadeen qayb ka mid ah ulimada, ducaadda iyo waxgaradka magaalada.

Wafdigu culimada ayaa intii ay ku sugnaa degmada Dhahar waxaa ay booqdeen xarunta machadka salaaxudiin ee barashada culuumta sharciga iyo farsamada gacanta iyo bogcadda machadka, wax kale oo kormeer guud ku sameeyeen magaalada gaar ahaan ceelasha biyaha, goobaha waxbarashada iyo masaajidda.

no images were found

Waxaa kale oo muxaadaro loo qabtay ardayda Machadka iyo muxaadaro guud oo lagu qabtay Masjid jaamaca magaalada iyo kalimad loo jeedshay ardayda dugsiga sare ee Mubaarak, sidoo kale waxay kulan gaar ah la yeesheen ducaadda magaalad, guddoomiye ku xigeenka mu’assasada Min haaj ee gobalka Sanaag macallimiinta magaalada iyo maamulka mac-hadka salaaxu diin.

Wafdigu muddadi koobnayd ee uu joogay magaalada wuxuu kulan la qaatay odayaal dhaqmeedka iyo waxgaradka magaalada halkaaso isdhaafsadeen talooyin wax ku ool ah dhanka kalena odayaashu waxay uga mahad celiyeen wafdiga culimada booqashadooda, talo soo jeedintooda iyo wanaaga ay bulshada u wadaan waxayna ka codsadeen inay joogteyaan booqashooyinka noocaan oo kale ah.

Guud ahaan qaybihii kala duwanaa ee bulshada wafdig culimadu wuxuu uu aad ugu adkeeyey in dadweynaha iyo ducaadaba in ay si gaar ah Mas’uuliyada isaga saaraan horumarinta Dacwada iyo ka shaqeynteeda iyo siddii ay u gaarsiin lahaayeen qeybaha kale ee Deegaankaasi ku xeeran.

Ka dib wafdigu markuu dhamaystay booqashadiisii waxay usii kicitimeen dhanka Ceelbuh halkaas oo ay ilaa Balli Busle sii galbiyeen culimo,ducaadda  iyo wax garadka bulshada waxaa ka mid ahaa culimada safarka ku tagtay magalada Dhahar:

1-  Sh.Axmed Cabdisamad madaxa jamacatul ictisaam.
2- Sh.Cismaan Maxamuud Xaaji dirir madaxa isku xirka gobollada ee minhaaj
3- Ciise Siciid Maxamed Faahiye guddomiye ku xigeenka mu’assasada Al-minhaaj
4- C/raxmaan Sh C/qaadir Nuur Faarax xubin ka mid ah Mu’assasada Al-minhaaj

Mu’asada al-minhaaj
Halgan.net, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online