Wafdi ka socda Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina oo soo gaaray laascaanood
January 28, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa habeenkii xalay lagu soo dhaweeyey magaalada laascaanood ee xarunta gobalka Sool wafti ka socday jaamacadda islaamiga ah ee Madiina-Almunawarah,kaas oo uu hogaaminayey Dr.Xamad Ibnu Xasan Alxubayshi oo ka tirsan Macalimiinta jaamacaddaas,waxa kale oo safarka ku wehelinayey Dr.Axmed Jaamac Ismaaciil Mire iyo Sheekh C/qaadir Sheekh Xirsi.
Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey duleedka magaalada culimada iyo ducaadda magaalada oo uu hogaaminayey Sheekh Cabdi Naasir Xaji Axmed.Ujeedada wafdiga ayaa ahayd in Dr.Xamad uu qiimayn ku sameeyo machadka Alfurqaan,iyo inuu imtixaanka muqaabalada jaamacadda uu ka qaado ardaydii ka baxday Machadka.
Subaxnimadii saaka ayey waftigu soo booqdeen machadka Al-Furqaan,intaa ka dibna waxaa machadka ka bilaabmatay muqaabalada ardayda.
Sidoo kale galabta ayaa Machadka xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey waftiga,iyadoo ardaydu soo dhaweyn iyo bandhig cilmiyeed soo bandhigeen,waxa isna gababadii xaflada soo xidhay Dr.Xamad Ibnu Xasan Alxubayshi oo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshihiisa laascaanood isagoo mahad u celiyey culimada iyo ducaada gobolka oo uu ugu horeeyo Sheekh Cabdi Naasir Xaji Axmed .
no images were found
Ka dib salaadii maqribna wuxuu Sheekh Dr.Xamad Ibnu Xasan Alxubayshi muxaadiro ka jeediyey Masjid-Jaamaca laascaanood taas oo ku saabsanayd aadaabta qofka waxbaranaya isagoo halkaas ka soo jeediyey talooyin aad u fiican.
Ugu dambayntii booqashada waftiga ayaa ku soo dhamaatay jawi fiican oo farxad iyo raynrayn leh.
Halgan.net
Laascaanood