Wararkii u danbeeyey dagaalka ka dhex socda kooxaha dagaalka kula jiray dowladda Suuriya.[Warbixin]

January 4, 2014 - Written by Editor

ciidanWararka ka imaanay dalka Suuriya oo ay tabinayaa warbaahinta iyo Muntadayaatka islaamiga ah ayaa ah mid walwal hor leh ku abuuray shacabka dalka Suuriya ee dagaalka mudo kula jira dowladda Suuriya ee Madaxweynaha uu u yahay Bashaar Al-Asad iyo kooxaha shiicad. Bayaan loo tiiriyey Jabhadda dowladda Ciraaq iyo Shaam oo ka tirsan ururka Al-qaacida ayaa waxaa lagu faafiyey qaar ka mid ah Muntadayaad ka kala duwan ee taageera ururka Al-qaacid waxaan ay Jabhadda dowladda Ciraaq iyo Shaam ku eedeey een kooxaha kale ee dagaalka ka wada dalka Suuriya in ay dhabarka ka toog teen ayna jiraan kooxo wada Mu’aamaro ka hor inta aan la guda gelin shirka ka dhici doona magaalada Geneva.

Bayaan cod ah oo lagu baahiyey mareegaha taageera urur weynaha Al-qaacid ayaa waxaa lagu xusay in Jabahada dowladda Ciraaq iyo Shaam ay soo saareen bayaan ka kooban ilaa dhowr arrimood waxaan ka mid ah:-

1. In Go’doominta laga qaado goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka Jabahada Dowladda Ciraaq iyo Shamaan.

2. In wax dhib ah aan loo geysan dadka maxaabiista ah ee ka tirsan ciidanka Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam iyo kooxaha kale.

3. In la soo daayo ciidanka ka tirsan dowladda Ciraaq iyo Shaam iyo Muhaajiriinta koox kasta ha ka tirsanaadeene.

4. In haddii aan sharuudahaas la buuxin ay Jabhada dowladda Ciraaq iyo Shaam ay ka soo bixi doonto dhamaan gooba ay kaga jirto dagaalka taas oo sababi doonta in ciidanka Suuriya ay dib u qabsadaan magaalada Xalab iyo magaalooyin kaleba.

Hoos ka Dhagayso bayaanka ay soo saareen Jabhada Dowladda Ciraaq iyo Shaam


Khilaafka u dhexeeya Jabhada Dowladda Ciraaq iyo Shaam ee ka tirsan ururka Al-Qaacid iyo Jabahad Islaamiga ee Suuriya ayaa cirka isku shareeray ka dib markii Jabhada dowladda Ciraaq iyo Shaam ee Al-qaacida ay dileen Dr Xuseen Xamuud oo ahaa dhakhtar aad looga yaqaan magaalada Xalab waxaan dhowr jeer xiray ciidanka Suuriya walow markii danbe uu u soo baxsaday dhinac Jabhadda Islaamiga ee Suuriya oo ka mid ah kooxaha dagaalka kula jira dowladda uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad.

Hoos ka eeg Afhayeen u hadlay Jabahada Islaamiga ee Suuriya oo la hadlay Al-Jazeera

Waxaan ka cudurdaaranaynaa in aan baahin karin masawirka Dr Xuseen Xamuud oo ah mid aan ku haboonayna saxaafadda waxaa ka muuqda dhaqtarka in jir dil xun loo geystay iyo rasaas badan oo ku taal jirkiisa. Dr Xuseen Xamuud ayaa ergo ugu tegay Jabhada Dowladda Ciraaq iyo Shaam ee Al-qaacid waxaan uu doonayey in uu kala hadlo dil bareer ah oo loogeystay adeerkiisa balse waxaa qafaashay ciidanka Jabhada dowladda Ciraaq iyo Shaam ee Al-qaacid ka tirsan mudo 20 beri ka dibna waa ay khaarajiyeen.

Waxaa kale oo jira masawiro lagu faafiyey Muntadayaadka taageera Jabahada dowladda Ciraaq iyo Shaam oo lagu sheegay in kooxaha kale ee dagaalka ka wada dalka Suuriya ay dileen Muhaajiriin iyo ciidamo ka tirsan Jabhadda Dowladda Ciraaq iyo Shaam, waxaan ka cudur daaranayaan in masawiradaas aan faafin karin. Khilaafka iyo dagaalka u dhexeeya kooxihii dagaalka kula jira dowladda Suuriya ayaa waxaa laga baqayaan in uu wiiqo awoodooda iyo in ciidanka dowladda Suuriya oo kaashanaysa kooxaha shiicada ay dib ula wareegaan magaalooyinkii horay looga qabsaday.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online