Wasiirka amniga Puntland oo beeniyay in ciidanka Puntland ay hub dhaceen.[Dhagayso]

January 12, 2014 - Written by Editor

KhaliifGaroowe :-Wasiirkii hore amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo ka qayb galay kulan dhalin yarada Qurba jooga loo qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay is bedelka dhinac hogaanka ee ka dhacay Puntland arrinkaas oo uu ku tilmaamay horumar weyn.

Wasiirkii hore amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa uu ku amaanay laamaha kale duwan ee ciidanka Puntland sidda wanaagsan ee ay u sugeen aminga guud ee Puntland xiligii doorashadu ay ka socotay magaalada Garoowe , waxaa uu xusay Col. Khaliif Ciise Mudan in Puntland aysan ka dhici lahayn wax doorasho ah haddii aysan jirin ciidamo suga amniga iyo nabadgelyada.

Wasiirkii hore amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa yiri ” Waxaa qirayaa in ciidanka dowladda Puntand ay yihiin geesiyaa naftood iyo dhiigooda huray waxaana leeyahay guulaysta oo ha daalina halkaasna ka sii wada howshiinaadag oo aad bulshadiina u haysaan.

Wasiirkii hore amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ku tilmaamay war aan sal iyo raadtoona lahayn in ciidanka Puntland ay dhac u geysteen hub ay lahaayeen cidanka Puntland arrinaas oo uu sheegay in aysan dhaqan u ahayn ciidanka Puntland.

Wasiirkii hore amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan madaxda cusub ee Puntland isagoo alle uga bartey Madaxweynaha Puntand Dr. Cabdiweli Gaas iyo madaxweyne ku xigeenkiisa C/xakiim Camey in Alle u fududeeyo howsha loo igmaday.

Hoos ka Dhagayso Wasiirka amniga Puntland oo beeniyay in ciidanka Puntland ay hub dhaceen

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online